Coronavirus: Maxaa Ka Mid Ah Wararka Beenta Ah Ee Ku Fiday Afrika

0
1045

Hargeysa (DAWAN) Dalalka Afrika waxaa sii kordhaya tirada dadka horta leh ee uu ku dhacayo fayraska Coronavirus, dawladaha badankooduna waxay haatan dhaqan geliyeen kala fogaansho bulsho oo dadka lagu dirqiyayo in aanay is dhex gelin.

Iyaga oo weliba heegan u ah in ay cirka isku shareerto tirada dadka qaadaya fayraska, ayaa hadana waxa jira warar marin habaabin ah oo qaaradda oo dhan ku fidayay.

  1. Talaalka Laguma tijaabinayo dadka Afrikaanka ah

Waxa socda warar aad loog fidinayo baraha bulshadu ku xidhiidho ee internet-ka oo tibaaxaya in dadka Afrikaanka ah laga dhiganayo ushii ceelka la iskaga dayayey oo lagu tijaabinayo talaalka Coronavirus. Hase ahaatee wararkaasi waa been. Maba jiro talaal loo helay Covid-19, tijaabooyinka socda ee hor dhaca ah dalalka laga wado dhamaantood mid Afrikaan ahi kuma jiro. Lama garanayo halka ay ka soo baxeen wararkaa beenta ahi laakiin dulucdoodu waxa weeyi in dalalka reer Galbeedku ay marka hore ku tijaabinayaan talaalka dadka Afrikaanka ah si loo hubsado in ka hortag leeyahay iyo in kale.

Wararkaa beenta ah waxa ka mid ah muuqaal Youtub lagu baahiyey oo haweenay Af-Faransiis ku hadlaysaa leedahay ” Waxa haatan la helay talaal la siinayo dhammaan Afrikaanka laakiin aan wadamada reer Galbeedka midkood na la geynin, markaa waxaan ka codsanayaa walaalahayga Afrikaanka ah in aanay qaadan talaalkaa”. Waxa muuqaalkaa la daawaday 20,000 oo goor iyo dheeraad, dadka daawadayna waxay halka faallada lagu qoro badankoodu ku sheegayaan in ay taageersanyihiin aragtidaa.

Muuqaal kale oo Youtube lagu baahiyey ayaa isna sidaas oo kale ku andacoonaya in talaalka marka hore la iskaga tijaabinayo Afrikaanka si loo ogaado in aanu dhibaato lahayn iyo in kale inta aan wadamada hodanka ah dadkooda la siin.

Cabsida laga qabo tallaalku maaha wax ugub ah weliba marka la eego bulshooyinka markooda hore ba shakiga ka qaba dhakhtarrada. Dalalka Afrika ee Af-Faransiiska ku hadla ee haatan ku tidhi ku teentaa talaalka Covid-19 ku fiday waxa hore u soo maray in sidan oo kale warar been ah loog fidin jiray talaalka Ebola oo wax wayn ka tarayn in cudurkaa la xakameeyo.

  1. Diirka Madoobi iskama caabiyo Covid-19

Waxa jiray hadal dadku ku dhegeen oo lagu faafiyey baraha bulshada kaas oo ah in sida jidhku iskaga caabiyayo cudurkani ku xidhantahay midabka diirka.

13-kii Maarij ayaa wasiirka caafimaadka Kenya dadka uga digay beenta ah “dadka diirka madoobi ma qaadaan Coronavirus”.

Prof Thumbi Ndung’u oo ka tirsan kulliyadda caafimaadka ee Nelson R Mandela ee Durban oo aanu waraysanay ayaa yidhi “haba yaraatee ma jirto caddayn loo hayo waxaas, run ahaantiina waxaan aragnaaba in dadkii madoobaa uu ku dhacayo cudurku”.

  1. Koob bigays ahi ma daweeyo Coronavirus

In uu qofku harraadka iska biiyaa waa arin lagama maarmaan u ah caafimaadksiisa, laakiin sida dadka qaar ay sheegayaan shaah bigays ahi ma daweeyo oo lagaga ma bogsdado Covid-19

Sida ay ku tebisay warbaahinta gudaha ee Kenya, dadka dalkaas ayaa isku dirayey telefoonno oo sheegayey in ay shaah bigaysa iskaga daweeyaan coronavirus qofkii sidaa yeeli waayaana uu uba dhiman karo cudurkaa.

Waa been dalal kalena ku fidday oo aan caddayn caafimaad loo hayn.

Saynisyahannada dunidoo dhami waxay wadaan cilmi baadhis la doonayo in talaal lagu helo, laakiin filashadu waxa weeya in aanu soo bixi doonin badhtamaha sannadka dambe ka hor.

  1. Maya, Khasab maaha in aad gadhka iska xiirto si aad uga badbaado fayraska

Jaantus hore oo wasaaradda caafimaadka Maraykanku waa hore soo saartay oo ka hadlaya timaha qofka wejiga kaga yaal iyo Mask-ka sida loo xidhox ayaa si khaldan haatan loo adeegsanayaa, iyada oo laga dhigayo in ay khasab tahay in raggu ay gadhka iska xiiraan si aan Coronavirus ugu dhicin.

Wargeyska Nigeria ka soo baxa ee Punch la yidhaa ayaa warbixin uu baahiyey ciwaan uga dhigay ” Digniin ay soo saartay xarunta ka hortagga cudurrada ee Maraykanku ayaa sheegaysa in gadhka la iska xiiro si looga nabad galo Coronavirus”.

Jaantuskaa xarunta ka hortagga cudurrada ee Maraykanka waxa ka muuqda tobaneeyo qaab sida raggu gadhka ula baxaan ah iyo nooca ay tahay in la iska xiiro marka qofku xidhanayo Mask-ka.

Ciwaanno kaa la mid ah ayaa ku soo baxay wargeysyada dalal kale, oo kumanaan goor dadku isku direen. Wargeyska 7News la yidhaa ee ka soo baxa Australia, ayaa boggiisa Twitter-ka wuxu ku qoray: “Sida gadhkaagu kuugu soo iiidi karo halista Coronavirus.”

Haatan wasaaradda caafimaadka ee UK waxay ku talo bixisay in masku ay faa’iido u leeyihiin shaqaalaha caafimaadka ee isbitaallada jooga. ” Waxaa jirta caddayn aan buurnayn oo muujinaysa in af-xirku wax faa’iido ah u leeyihiin dadweynaha guud ahaan”.Jaantusku waa sax oo wuu jiraa waxaana la soo saaray 2017 intaan Coronaviurs ba soo bixin, oo waxa loogu talo gala shaqaalaha xidha Mask-ka noocyadooda la isku giijiyo. Hase ahaatee sida warka loo sheegay maaha oo xaruntu dhawaan may soo saarin jaantuskaa dadkana may farin in ay gadhka iska xiiraan.

  1. Baadari Nigerian ah ayaa Coronavirus daweeya

Wadaad Masiixi ah oo ku dooday in uu dawayn karo fayraska ayaa qudhiisa warar been ah laga faafiyey.

Wararka David Kingleo Elijah, oo ah baadari ka tirsan kaniisadda Glorious Mount of Possibility ayaa ku Friday baraha bulshada ka dib markii la arkay muuqaal muujinya isaga oo sheegaya in uu tagi doono Shiinaha si uu u “baabiiyo” fayraska oo lagu baahiyey Youtube oo aad la iskugu diray.

“Karaamo ayaan ku baabiinayaa coronavirus. Shiinaha ayaan tagayaa oo waxaan doonayaa inaan baabiiyo coronavirus” isaga oo leh ayuu muuqaalku muujinayaa.

Dhawr maalmood ka dib ayaa waxa soo baxay warar tibaaxaya in uu Shiinaha u socdaalay laakiin isagii dhakhtar la dhigay oo uu coronavirus qaaday, wararkaasi waxay baadariga ku sheegeen magac kale oo ah Elija Emeka Chibuke.

Sawirka loo adeegsaday wararkaasi waa mid laga qaaday jilaa Nigerian ah oo dhakhtar ku jira oo la yidhaa Adeshina Adensanay oo ku magac dheeraa Pastor Ajidara oo isbitaalkaa ku dhintay 2017.

  1. Maraq basbaas leh oo aad cabtaa dawo ma aha.

Nigeria, ayaa baadari Masiixi ahi waxa uu baahiyey muuqaal muujinaya isagoo leh coronavirus waxa u dawn ah maraq basbaas leh oo aad cabto. Muuqaalkaas ayaa dadku isugu dirayeen WhatsApp-ka.

Ma jirto dawo loo hayo coronavirus, hadalkan baadariguna cadayn caafimaad uma hayo sida maraqa basbaaska leh, oo ka mid ah cunto dhaqameed basbaas badan oo Nigeria ka jirta, sida uu wax u dawayn karo.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkan dillaacay uu sidoo kale dhaliyey “ku tidhi kuteen” been ah oo dadka majare habaabinaysa.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warantay in Jasiiradda yar ee Cape Verde ee Af-Portuguese ka lagaga hadlo ee galbeedka Afrika ku taal, ayaa iyadna waxa aad ugu fiday wararka beenta ah ee baraha bulshada lagu faafinayo oo ah in dhakhtar u dhashay Brazil uu ku talo bixiyey in ay dadku iskaga daweeyaan coronavirus-ka caleenta geedka Fennel ka la yidhaa oo sida shama loo karsado. Waxaanay dadkii mar qudha ku qamaameen suuqyadii si ay u soo iibsadaan caleentaa.

Wasaaradda caafimaadka ee Brazil ayaa dadka uga digtay in ay faafiyaan qoraallada tibaaxaya in fennel-ku dawo u yahay coronavirus.

Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in iyadoo si joogto ah loo faraxashaa ay muhiim tahay oo lagaga gaashaaman karo in qofku fayras ka qaado.

Xigasho: BBC

Leave a Reply