Somaliland: 26 Kiis oo cusub oo laga helay Covid19

0
737

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka oo Salaasada maanta wariyeyaasha siinayey warbixinta maalinlaha ah, ayaa sheegay in 26 qof oo cusub laga helay cudurka Corona Virus, kaddib 80 ruux oo baadhitaan lagu sameeyey.

Maxamed Cabdi Xasan Xergeeye, waxa uu sheegay in dadka xannuunka laga helay kala degen yihiin magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Boorama, waxaanay u badan yihiin da’da u dhaxaysa 20-39 jir.

Tirada Kiisaska dhimashada ayaa ah 22, halka wadarta guud ee xanuunka uu asiibay 359 qof.

Halkan ka Daawo  Muuqaal:

Leave a Reply