Aftida Scotland oo Maanta loo Dareeray

0
540

Dadka Scotland ayaa u dareeray maanta oo khamiis ah goobaha codbixinta si ay codkooda uga dhiibtaan aftida madaxbannaanida Scotland iyada oo look ala codeynaya madxbannaani ama in ay ka sii mid ahaato Boqortooyada UK.

Labada dhinac ayaa shalay sameeyay isu soobaxyadii ugu waaweynaa ee ugu danbeeyay ololahooda si ay ugu guuleystaan in ay dhinacooda soo maraan dadka aan weli go’aanka ka gaadhin in dhinaca ay u codeynayaan.

Natiijada tijaabada aftida lagu sameeyay  ayaa soo jeedinaya in ay labada dhinac aad isugu dhaw yihiin.
Afti qaadis la sameeyay Arbacadii ayaa muujisay in ay labada dhinac kala marayaan 49% leh HAA iyo 51% leh MAYA  ee aan ka sii mid ahaano Boqortooyada, haseyeeshee waxa ka baxsan codbixiyeyaal aan iyagu weli go’aan ka gaadhin dhinaca ay u codeynayaan.
Sida oo kale waxa iyana jirtay mid kale oo isla Arbacadii la sii daayay oo iyana muujisay in qoorta leysku dhegan yahay oo tilmaantay 48% leh Haa iyo 52% leh Maya oo iyana aaney ku jirin dadka aan weli go’aansan dhinca ay u codeynayaan.

Leave a Reply