Dumarka Oo Tagsiilayaal Noqday Si Ay U Badbaadaan

0
423

Gobolka Keerly ee dalka Hindiya ayaa laga sameeyay shirkad kiraysa Taxida oo ay wadaan dumarku. Shirkadan ayaa diyaarisay 40 baabuur oo ah nooca Taxsida ah. Arintan ayaa ka danbaysay  markii ay dalkaasi ku bateen kufsiga khasabka ee lagula kaco hablaha kuwasi oo inta badan ay ku sameeyaan darawaliinta gaadiidka. Shirkada Gaadiidkan ayaa loo bixiyay SheTaxi ayaa leh dhamaan qalabka digniinta ah haddii wax ku dhacaan. Darawaliinta dumarka ah ayaa iyaguna xidhan diraysa u gaar ah oo lagu aqoonsado. Gaadiidka dalka Hindiya ayaa ka galay kaalinta afraad, meelaha lagu dhibaateeyo dumarka.
 

Leave a Reply