Madaxweynaha Somaliland Oo Iclaamiyay Xiliga Ay Bilaabmayso Diiwaan-gelintii Codbixiyeyaashu

0
673

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  cayimay in diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha dalka laga bilaabo 21/07/2015-ka.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray  Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL Md.  Naasir Yuusuf Daahir.War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
 
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:  Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;
Markuu Arkay:  Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;
Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;
Wuxuu Soo Saaray:Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply