Saddex Qof Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Jidka U Dhexeeya Burco iyo Sheekh

0
563

Hargaysa(Dawan): Saddex qof  ayaa ku geeriyooday  hal qofna dhaawac fudud ayaa ka soo gaadhay shil babuur oo shalay gelinkii danbe  ka dhacay tuulladda  Galoolay oo ku taalla  jidka u dhexeeya magaalooyinka Burco iyo Sheekh.

Gaadhigan  uu ka dhashay   shilkaasi dhimashadda keenay oo noociisu ahaa kuwa loo yaqaano SURF  ayaa sida la sheegay  ka tegay magaaladda Hargaysa una socday dhinaca magaaladda Burco, kaasi oo  kula rogmaday ama kula Gadoomay dadkaasi jidka u dhexeeya Sheekh iyo Burco.

 

Saddexda  ruux ee ku geeriyooday shilkaasi ayaa la sheegay in ay dhamaantoodba isku qoys ahaayeen, kuwaasi oo ay magacyadoodu kala ahaayeen  Marxuum Saleebaan Cumar Qaalib, oo ahaa guddoomiyihii shirkadda socdaalka ee Salaama, iyo hooyadii marxuumad Faadumo Warsame iyo walaashii marxuumad  Xamda Cumar Qaalib.

Labadda haween ah ee shilkaasi ku geeriyooday  oo ay midna marxuumka hooyadii ahayd midna walaashii ayaa  la sheegay in uu isla shalay gelinkii hore ka soo qaaday madaarka diyaaradaha magaaladda Hargaysa, iyagoo ka yimid dalka Maleeshiya una socday dhinaca magaaladda Burco.

 

 

Taliyaha ciidamadda booliska ee degmadda Sheekh Aamin  Muxumed Cabdi,  oo ka mid ahaa dadkii u gurmaday dadkii uu shilku haleelay ayaa warbaahinta uga waramay  wixii kula kulmay markii uu gaadhay meesha shilku ka dhacay.

 

 

Waxaanu yidhi “Geeri  ayaa  dhacday,  marxuumiinta dhintay eheladoodii ILLAAHAY Samir iyo iimaan haka siiyo. Geeri xun ayaa dhacday, halkii ay ka dhacday dadkii u horeeyay  ayaan ka mid ahaa,  qoladda reer Galoolay ee uu ku ag dhacay baabuurku ayuun baa iiga horeeyay, laakiin  maamul ahaan degmadda aniga ayaa ugu horeeyay.

 

Waxaanan  halkaa kula kulmay saddex qof oo mayd ah iyo alaabtoodii iyo gabadh aan waxba qabin oo la socotay dadka dhintay. Wixii alaab ahayd ee ay siteen iyo dahabkii ay dumarku xidhnaayeenba gacanta Ayaan ku dhigay, waxaanan ku wareejiyay  eheladoodii markii ay yimaadeen Maydkii iyo alaab wixii aan u hayayba. ILLAAHAY-na waxaan uga baryayaa in uu Samir iyo iimaan ka siiyo eheladoodii ay ka baxeen dadkaasi isku qoyska ah”.

 

Mudooyinkan danbe ayaa  waxaa Somaliland si aad ah ugu soo badanayay shilalka gaadiidka, iyadoo intii lagu jiray bishan Ramadaan ay dhaceen shilal badan oo sababay khasaare balaadhan oo dhimasho iyo dhaawacba isugu jiray.

By: Khadar Cabdi Muuse

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply