Boorama: Astaanta Horumarka Iyo Aqoonta Somaliland

0
760

By; Axmed Cisman Batuun
 

Waxaa i weheliya saaxiibbo aanu isku mihnad nahay oo aanu ka wada tirsanahay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland, waa Nimcaan Axmed Dagaal iyo Siciid Cabdi Axmed (Xadhigle) ujeedadu waa in aanu ka qayb galno xaflad ka dhacaysa magaalada caasimadda u ah gobolka Awdal ee Boorama taasi oo waqti kooban aanan booqasho ku tagin.

Safarkayaga oo ahaa mid degen ka dib waxaanu gaadhnay halkii aanu u soconay isla waqtigaa aanu galnay magaalada oo casar gaaban ahayd waxaan ku mashquulay shakhsi ahaan indha indhaynta xaaladda magaalada anigoo go,aansaday in aan qalinka u qaato inta ii muuqata, xogta aan helo iyo xaqiiqda ah in bulshadu markasta ku ruqaansanayso xaga horumarka.

Magaalada Boorama ee caasimada ah ka sakaw gobolka Awdal oo ka mida gobolada hore uga maray xaga wax soo saarka juquraafi ahaana laga helo dhul beereed balaadhan ayaan odhan karaa wuxuu tusaale u yahay gobolada tartanka ugu jira sidii ay horumar muuqda u samayn lahaayeen, marka laga eego dhinacyo badan, balse ugu horayn ila baro taariikhda iyo halka ay dhacdo Boorama:

Magaalada Boorama waa magaalo balaadhan oo ku taal muuqaal ahaan goob u wanaagsan il doogsiga waxaana ku hareeraysan inteeda badan buuro waxaana u dhaw xuduudka Ethiopia, waa magaalo cimilo ahaan la odhan karo waxay heshaa roob fiican taasoo u saamaxday inay xaga nolosha kaga duwanaato meelo badan, inkastoo aanan helin qiyaasta saxda ah ee dadka ku nool, waa magaalo balaadhan, xaga qaaca iyo saxmadda lama mid aha magaalooyin la ologa ah waana magaalo aad si fiican hawada u qaadanayso.

Taariikh ahaan magaalada Boorama waa taallo ku calaamadsan dib udhiska iyo yagleelka qaranimadda Somaliland waana goobtii laga unkay dawladnimadda.

Geesta kalana magaalada Boorama waa meel lagu tilmaansado xaga tacliinta waxaana kasoo baxa aqoonyahan tiro badan oo tayo ahaana dhisan kuwaasoo kasoo baxa jaamacadda caanka ah ee Camuud oo ka mida hormoodka goobaha waxbarashada sare ee dalka, sidoo kalana waa magaalo xaga aqoonta diinta taariikh wayn ku leh isla markaana ay kasoo jeedaan culimo waawayn oo ilaa imika bulshadu majeerato lana odhan karo waa tiirdhexaadka inta badan wanaaga lagu majeerto gobolkan.

Hadii aan wax ka taabto xaga wadooyinka waxaa la qaaday talaabo wax ku ool ah waxaana dhismay laamiyo badan taasoo ku timid iskaashiga xoogga shacabka, dawladaha hoose iyo taageerada xukuumadda dhexe ,

Waxaa maalgashi baaxad wayn ku sameeyay gobolka gaar ahaana magaalada Boorama muwaadiniin isugu jira qurbejoog iyo qolqol jooga, waxaanad arkaysaa dhismeyaal dhaadheer oo qurxoon iyo qaybo badan oo imika socda sidoo kalana waxaa muuqda in si xawli ah ay u balaadhanayso una fidayso magaaladu, iyadoo ganacsi noocyo iyo baaxado kala duwani ka socdo magaalada, isla markaana uu rigli ku yahay nooc kasta oo adeeg loo baahnaa.

Hadii aan inyar ku hakado oo aan idin xasuusiyo magaalada Boorama dhawaan waxay marti galisay wejigii hore ee ciyaaraha gobolada dalka waxaanay taasi kuu xoojinaysaa horumarka aan qaybo ka mida kor kusoo sheegay, inagoo qiyaasi karna shuruudaha laga rabo magaalada tartan noocan oo kale ah martigalintiisa xilqaadda.

Hadii aan geesta kale guud mar kooban isku dayo sheegistooda adeegyada aasaasiga ah sida biyaha waa magaalo aanay ka jirin cabasho muuqataa, sidoo kale xaga caafimaadka waxay ka mid tahay magaalooyinka xoogga saaray in la hirgaliyo adeegyada aasaasiga ah, waana magaalo ku naalloonaysa kartida iyo dadaalka bulshadeeda.

Geesta tabbana hadii aan wax ka idhaa, magaalada Boorama waxa ay u baahantahay in golaha deegaanka ee waqtigani ay xoogga saaraan banaynta jidadka suuqyada oo cidhiidhi ka muuqdo iyo sidoo kale barnaamijyo furan oo lagu horumarinayo bilicda magaalada kuwaasoo bulshadu ka qayb qaadanayso si ay Boorama u gaadho hiigsiga himiladeeda kuna ladho fursadaha dahabiga ah ee taariikh ahaan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba ay haysato caasimadda gobolka Awdal, taasoo qayb wayn ka noqonaysa horumarka qaranku ku taamayo.

Sidoo kale waxaa lama huraana in la sameeyo siyaasad lagu dhiirigalinayo wax soosaarka xaga beeraha oo la moodo in hoos u dhac ka jiro gobolkan iyo kuwa la midka ah ee lagu amaano beerashada lana ilaaliyo siidhka asalka ah ee aynu leenahay oo u baahan in si joogto ah loo daryeelo taasoo u baahan in ay ka timaado dhankooda waa goboladane, isla markaana taageero looga raadiyo qaybaha kale ee wax tari kara sida xukuumadda si aynu u yarayno ku tiirsanaanta quudka dibada oo aynaan isku halayn karin.

Isku soo wada duuboo waxaan odhan karaa magaalada Boorama waxay muujisay dadaal balaadhan oo dhinacyo badan kaasoo loo aanayn karo isku duubnaanta shacbiga oo kaashanaya awoodaha ay ka helaan goleyaasha ay doortaan sida; degaanadda, wakiiladda, xukuumadda dhexe iyo kaalinta ugu muhiimsan oo ay qaataan qurbajoogta gobolka, ganacsatada iyo ururada bulshada oo kaashanaya aqoonyahanka gobolku hodanka ku yahay waxaan lagama maarmaana in lasii xoojiyo talaabo kasta oo hore loo qaadayo, si loo xaqiijiyo hiigsiga guud ee bulshada.

Waxaan ka cudurdaaranayaa hadii guud marka qoraalkaygani aanu taabanin meelo badan oo u baahnaa in la xuso aanan soo qaadin, sababo badan oo waqtiga aan haystay oo aad u yaraa uu ugu horreeyo awgood.

Qormadii aan kasoo dulxaadiyay horumarka ka socda gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama intaasi ayaan ku soo koobayaa.

Leave a Reply