Xassan Ganey Iyo Xoorkii Laga Dhamay Qalinkii axmed aw geeddi

0
2380

Waa saddexeeyaha saddex hal abuur oo suugaantoodu saameyn wacan igu yeelatay, ninka aan sifeynayaa waa Xassan X. Cabdilahi (Xassan Geney) oo ah hal-abuur ay dhif tahay in tixihiisa oo kale laga soo dhex helo taxanaha suugaanta soomaalida, fanka iyo suugaanta ayuu geedi labaad raray.
1974-kii ayuu marqudha ka dhex hanqadhay maanka saareyda iyo inta suuganta jecel, waxa uu badka keenay riwaayad la odhan jiray ‘Dab-jacayl kari waa’ oo geyiga soomaalidu degto xushay, waa riwaayad jacayl ah oo aanu mawduuceedu ka fogeyn riwaayadihii berigaa la dhigi jiray, hase yeeshe, waxay dheertahay fan-masraxeedka kale, meexaano iyo murti aan carjabin, waa mawhibo ceegaagta maskaxda curiyaha had iyo goorna suugaantiisa baadi sooc u ah, waxa kale oo ku googo’an geeraaro aan duugoobin oo farshaxan iyo fal-suubanaani ka muuqato oo kaftanka iyo xifaalaha jilayaasha dhex maraya meel sare gaadhsiiyey, badheedhahay ma filayo riwaayad ‘Dab jacayl kari waa’ maad iyo qosol ku haysataa inay jirto.
Inkastoo taxanaha suugaantiisu tahay tog aan tiro iyo xisaab toona lagu koobi karin haddana dhacdadii labaad ee hal-abuurku hambalyeeyeen waxay ahayd markii uu ka qayb galay silsilad maanseedii Deeley oo dabayaaqadii 1979kii magaalada Muqdisho ka curatay. Xassan waxa uu kaga qayb galay maanso la yaab leh oo la yidhaahdo ‘ka dartaye ma dibibaa!!?’, maansadan oo habdhiskeeda iyo agabka ay adeegsatayba ku cusbaayeen dhegaha dadka. Gun iyo baar waxaa uu tixdiisa ku areerimay ciyaarta shaxda oo waayeelku gaar ahaan ragu ciyaaro. Haseyeeshee, markan inta uu geedkii kasoo raray ayuu suugaanta kusoo daray oo ninkii uu u gabyaayey oo isagu dawladda difaacaayey ragii Deeley bilaabayna haaraamay ayuu la shaxay oo ku yidhi ‘adigu shax yaraad tahaye hor degida qaado’, marka uu qodob badheedhihiisa ka mid ah sheegaba waxa uu kusoo xidhaayey hog kamid ah hogaga shaxdu leedahay. Waxa uu odhanayaa:
Dabuubtii xaqa ahayd
Dibnihii canaantoow
Dur hadaad wax ku heshaan
Ama shilinka daabaca
Waa delebe ila dheel.
Ilaa dhamaadka shaxda oo uu saaxiibkii si cad ugu sheegayo inuu ka badiyey, waxa kaliya ee u furanina ay tahay inuu gurto oo geedka shaxda ka huleelo weliba aanu ilaabine uu duceeyo, waa sida ay tahay caadada shaxdu marka toban jeer lagaa badiyo, waxaanu ku gebogebeeyey;
Dawdabiyo qoor lebi
Dadban iyo horqaad lihi
Digadii hulaaqdaye
Duul duulka dhuxuluhu
Yey duurka gaadhine
Damiyaay ninkii yidhi
Dawadeena weeyaan
Duub taa ku kala saar
Lixley baa dilaacdaye
Dib u dhaca af jinacley
Duhurkii guray tidhi
Damacna yaanu kaa gelin
Dib inaad u jebisee
Iisheeg da’daadoo
Aad inoo ducayside
Tixdani cadaawad badan ayey u soo jiidey curiyaha, taasoo ka timi laba dhinac, mid waa xukuumada markaa jirtey oo tixdu sida tooska ah u durtey iyo niman abwaano ah oo Deeleyda ka qayb galay oo u arkaayey inuu Xassan Ganey ka xarago qaatey.
Dhacdada saddexaad ee aynu xusi karnaa waa maansadii Gorgor oo tix ka qoto dheer aanan geyigeena ku ogeyn, waa maansada uu kula hadlaayey geel toosiyaha Hargeysa yimi ee Rida garan jantay. Haasaawuhu se intaas wuu ka xeeldheeryahay, maansaduna waa rido kulul oo taliskii Maxamed Siyaad lagu tumaatiyey, waa amintii quus iyo hungo laga joogsadey kacaankii oktoobar. Waa maansadii waxay baac fogaan ka qabto ay fahmi waayeen hal-abuuradii waaweynaa qaarkood.
Bal ila eeg meerisyadan iyo humaagan madax daaliska ah, hogaankii dalka ayuu dhaliilayaa waxuuse sawirayaa sawir kale oo kaa aad uga fog. Waa Awr ganboor iyo dhicir daaqay oo markii laga eegaayey inuu dhinto garbaha shaash ku yeeshay oo durduro gaw ka siiyey!! Kursi, madaxweyne, xil iyo dawladnimo midna ma soo qaadin, warka daaqsin geel ayuu mariyey, waa falaadka lagu yaqaan hal-abuur farshaxana;
Mise laguma guuraan
Cayibkaa gabdhoobee
Gendigiyo dhukaankiyo
Guudaan u weheshee
Garaabiido qaadee
Isagoo an laga gubin
Lagu horay gal daayeer
Iyo goofka biirta ah
Geedahana ciin iyo
Gawracato daaqee
Intuu gooyey dhogortii
Gaameelo dheer iyo
Garbaha shaash ku yeeshee
Guux laba kacleeyee
Shaamareer ku geliyoo
Guubiskaad ku leedahay
Maalintuu gamboor cuno
Sawkii geelu dhiman jiray
Ma gefkaad ku naaxdaa
Geddenba yaa isku ogaa!!
Haddii aynu hoomayno tusaale kale, waa tuducyada ku jira maansada Duufaan. Geela awrka waa loo xulaa oo laba qaalin oo isku da’ ah oo qurux iyo qoodhba ka siman ayaa mid geela lagu daraa oo baarqab laga dhigaa, midna la dhufaanaa oo Koran la rarto noqdaa, oo waayo? Sawtii hore loo yidhi Haweenka iyo geelaba waa la hida-raacaa. Hadaba abwaanku geel iyo adhi midna ina bari mayo wuxuuse ina hoga tusaaleynayaa in ninka xil loo dhiibayaa ee dad iyo dal dhan lagu aaminayo la shirabo oo aan garab-daar lagu bokhrin ee loo gabalo eego.
Laba midabka deer-cada
Laba doobta wada rida
Da’da toban gu’ wada jirey
Deymada an kala dhicin
Markay doorashada tahay
Hiddihiyo dirkoodaa
Midna geel ku dari kara
Midna looga daayaa
Marka dulucda sheekada
Hoos loogu daadego
Halo doog ku rimayaa
Markay qoodh u deyid iyo
Dillo sheeg u baahdeen
Hadda dawladnimadiyo
Danta guudna kaa mudan
Kumaa derejadaa geya?
Abwaanku waxa uu madi ku yahay falkinta heesaha dhaqanka, waxaana ka mid ah kuwa tisqaadey Dalsan, Sayla, Dhaqan, Gahaydhle iyo maansada faraha badan ee uu u bixiyey Magan oo ah qaylo dhaan uu doonayo inuu dadka ku baraarujiyo xaalufka lagu hayo geyiga iyo in guul daro weyni ka soo socoto haddii aan la daryeelin dhirta. Haddaba aynu is dul taagno heesta gahaydhle, waxa iiga muuqda labo sawir oo aanan weli ku arag maansadeena heestan horteed, oo muxuu yahay sawirkani? Ila garo oo abwaanku sidii caadada u ahayd ayuu ina dhexgeynayaa aril lagu gayeystey oo geela, adhiga iyo lo’duba dhaleen. Aroosyada gawda laga saaray. Haseyeeshee, labada humaag ee aan isoo marini waa laba wan oo is dilaya iyo laba awr oo utini dhextaal oo isku muruxsaday laguse kala guntaday;
Oo jemel gurguurtoo
Gabal yari ku taaliyo
Mid kaloo galaalani
Gawda iska saareen
Oo baarqab gaafoo
Doobida garaaciyo
Mid kaloo gulaanoo
Ku cadhooda guuxoo
Godob hore tirsanayoo
Beri uu garbaha hudhay
Iyagoon is guri dhigin
Gurmad kala kaxeeyoo
Kala sheentey gaanaha
Qof kasta oo suugaan dhaadhi ahi waxa uu qiri karaa in Geney loo sakhiray dhisida doodaha, aminta uu laba qof iyo ka badani is caraadayaan amakaag iyo dhabanahays ayaa ku dilaya sida uu shakhsi kastaba xujadiisa u oogayo iyo cadaymaha uu doodihiisa ku kabayo. Bal hadaba dhugo heestan wiilka iyo gabadhu isku cadcadaadeen, ragu dumarka waxay ku xantaan in gashaanti kastaaba jeceshahay in ay muujiso meelaha ay u cudoontahay oo ay raga tusto si looga war hayo, dumarkuna waxay aaminsanyihiin in ragu yahay horror u haliilaya hilbaha gabdhaha islaameed. Fikradahaa lakala qabo ayay heestani ina baraysaa;
Wiilka: Waliidow lahaydeen
Afartiina waaxyood
Mid waliba halka u wacan
Iyadoon wax ku xidhnayn
Weedhaamisaanoo
Walacdooda eedeen
Ragna aad ku waydeen
Waanan kaa wacdiyayaa
Welefkii aad barateen
Inta aanad waynaan
Waqal tahay aan biyo dhigin
Adigoon wayiigeyn
Aan wadaagno caashaqa
Waa hadaad wax garad tahay
Hadii kale wiglada tumo
Gabadhii: Waliidooy lahaydeen
Waranliyo doob guun
Hablaha weeraraayoo
Wadada isu taagoo
Inantay ka waayaan
Wejiga u xumeeyoo
Habluhuna wadiinbay
Wadanka uga tegeyaan
Ragna looga waakadey
Waanan kaa wacdiyayaa
Welefkii aad barateen
Waa haddaad wax garad tahay
Hadii kale wilwilo tumo.
Dood kale waxay dhex maraysaa hablo ilbaxdhaafay iyo kuwo cagaha dhulka ku haya;
Gabadha koowaad:
Taariikhdu waxbay hagtaa
Dadkuna wuu haybiyaa
Adduunkuna waa hayaan
Hirdooglaa lagu socdaa
Hogaankuna waa casriga
Naftaadana lama hagrado
Qeyrkaa ka hadh waa habaar
Heeryada aad sidata iyo
Haylahan waa laga ilbaxay
Makuu gacan haadiyaa
Hoobaanta makuu guraa
Haneedka ma kuu qabtaa
Gabadha labaad:
Habeenow hebedka geel
Hashaan maqasha iska celin
Haraatiyin kaanay dhalin
Markay hiigaan nirguhu
Jiilaalkiibay hadhaa
Hambana waa laysku nacay
Higaadana igu afgaro
Dharaarba ninkaan ka helo
Habeenkii kuma dhaxee
Hantidu way ii dhantahay
Hiddii lay wada yiqiin
Xishood hodan baan ka ahay
Xayii baan soo huwaday
Hablaha soomaaliyeed.
Dhanka geeraarada ayaan iyana lagaga daba dhufan, riwaayadaha abwaanada kale sameeyaan waxa loo dhegeysan jiray heesaha laakiin Xassan Geney isaga geeraarada ay wadaaguhu toocinayaan ayey bulshadu si weyn u xafidi jirtey oo hal qabsi iyo kaftanba noqon jirey. Hablo timaha gaabiyey oo xarago iska baadhaya ayey wiilal geyaankood ahi ilaaqayaan;
Wiil: Gaari bay dhaar u ahayd
Waatii aan goblamaayoo
Hadba guud la jaraaye
Gabdhayahow timihii
Maxaa loo wada gaabshey
Gabadhii jawaabteedii ma xasuusto.
Wiil: Lugo aan gorgor baahday
Seed loo gooyo lahayn iyo
Gacmo aad moodo birqaab
Iyo luquntii galawgaa
Midba gees u luxdaanoo
Idinkoo is godaayoo
Golxiyo tuur isu yeelaad
Guudka nooga baxdaane
Xishoodkii gabdhaheena
Geesteebaad ka marten?
Gabadh: Geyaankii dhulka joogey
Markii guur laga waayey
Gaabsigaa dan la moodoo
Guntiimooyin khafiifa
Ragaa noo geliyey
Wiil: Oo ninkii gacalooyin
Galab aad kulantaanee
Xaga guurka u leexdee
Goblan yaad ku abaadin
Ka gaashaamo yidhaahdana
Aqal weyn oo guduudan oo
Dhawr ganjeelo ku taaloo
Sariir aan geyigeena
Gebigiisaba oolinoo
Gudaha laydh kaga yaaloo
Gunta jiifto xareediyoo
Kalluun uu dhex gurguurto
Iyo kuraasi aad moodo giraanoo
Afar geer iyo taayir
Gees walba ugu ordeysiyo
Gaadiidka yaala jabaan baad
Gacalooy ku xidheenoo
Geyaankii waad hindhisteen.
Abwaanku waa musawir farshaxan ah oo midabada maskaxdiisa ku keydsan cid qiyaasi kartaa aanay jirin, marka daruuraha cirka, jeegaanta roobka, mayeyga hooray, qoraxdoo liiqa dhigtay ama dhalatay, xidigaha dhalaalaya, ubaxa sardhada ka toosay ee afka dhiinka cas marsaday, ciida dheregtey iyo jidhaamaha rahu ka dhex qalaadayo marka uu sheeda ka sawiro adaa is weydiinaya jaamacada uu kasoo baxay, digriiga uu sito iyo inta sanadood ee uu cilmigaa u rixleystey, waxay se ila tahay in uu habeen uun la soo toosay waayo horaa loo yidhi, hibo eebe ku siiyo habeen la is kama qaado.
Riwaayado doora ayuu daawatada usoo bandhigey kuwaa soo riwaayad kastaaba culeyskeeda aan dhulka laga jari kareyn, waxa kale oo uu gacan muuqata ka geystey riwaayadaha ay jaalayaashii sameeyeen, kuwasoo qaarkoodna uu heeso ku dhibaadiyey qaar kalena geeraaro iyo sheekaba uu ugu deeqay. Inkasta oo uu hal abuurku magaca ka simanyahay haddana murti looma sina Xassan-na tahan ayuu qayrkii ka horeeyaa, waa maarshaalka suugaanta!!
Qalinkii Axmed Aw Geeddi
 

Leave a Reply