Faa’iidada Caanaha Naaska Hooyadu U Leeyihiin Ilmaha

0
406

W/Q:- Sheekh Cabdiqadir Carab Warsame (Sheekh Jaabir)

Caanaha naaska hooyadu waa quudka ugu horeeya ee uu dhadhamiyo marka uu aadamuhu u soo baxo ifka dunida aynu ku noolnahay guudkeeda, waxa Alle (SW) ugu manno sheegtay inuu ku hannuuniyay ilmaha yari inuu urriyo caanaha naaska hooyadii, hannuunkaasoo aynu ku arki karno indhaheena, waa haddii aynu doonayno in aynu wax ka ogaano.

Sidoo kale, mucjisooyinka hannuunkaas waxa ka mid ah, in ilmaha yari leeyahay awood kala soocda caanaha uu ka jaqayo hooyadii iyo caanayowga kale, sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta caafimaadka adduunku, waxa ay sheegeen, in uu ilmaha yari leeyahay awood uu ku kala garto hooyadii iyo hooyooyinka kale, waxaanay taasi ku sababeeyeen, inuu yaqaano garaaca wadnaha khaaska u ah hooyadii, isla-markaana, ay tahay taasi habka iyo dariiqa kaliyaata ee uu u maro marka uu doonayo in uu caano ka doonto hooyadii.
Waxa hore loo tijaabiyey, ilmo yar oo gaajo la ooyaya in ay laabta ku qaado ruux dumar ah oo irmaani, balse aan ahayn hooyadii dhashay, dabadeedna wuu ku aamusi waayey ruuxii dumarka ahayd, waxa kale oo iyana mucjiso labaad noqotay, hooyaddii dhashay ilmahaas markii ay taabatay in ay darartay, ka dibna, waxa uu galay xaalad xasiloon, isagoo joojiyey oohintii iyo qayladii Ilmihii yaraa.

Waxa Alle (SW) uu inoo sheegay, hooyo kasta oo naas-nuujinaysaa in ay tuuri doonto ilmihii jaqayey, mid kasta oo uur sidaana ay dhigi doonto uurkeedii, dhibaatada jirta awgeed, taasoo ay culimadda qaar ku macneeyaan, kuna soo qaateen, ka gudhinta ilmaha naaska hooyadda, iyadoo aaanay wax ka wayni meesha jirin, in ay tahay arrin aan ku banaanayn shareecada islaamka, oo ay ku tahay xad gudub qodob aasaasi ah, isla markaana, waxa ay kow ka tahay, Xaqqa ilmaha.

Waxa kale oo la xusaa in haddii ilmuhu uu seego naas-nuujinta hooyada, ay ka lumiso qayb ka mid ah koritaanka garaadka maskaxda aadamaha, isla-markaana, la kala garanayo ilmaha jaqayey caanaha naaska hooyadii muddo 2-Sannadood ah iyo ilmaha aan jaqin caanaha naaska hooyadii, xataa haddii ay da’diisu tahay Todobaatan jir, taasaana sabab u ah, in uu farqi weyni u dhaxeeyo dhinaca miisaanka jidhka iyo maskaxdaba.

Waxa maanta la ogsoon yahay in caanaha naaska hooyaddu ay yihiin daawada xanuunadda iyo dawada ka hortaga cuduradda ku dhici lahaa ilmaha iyo hooyada, oo aanay jirin wax la barbar dhigi karaa, oo lagu doorsan karo caanaha naaska hooyada , gaar-ahaan, Lixda billood ee ugu horeeya naas-nuujinta ilmaha yar.

Wakhtigaas waxa kale oo la ogaadey in caruurta yar yari aanay lahayn calool wax qaadi karta ama ay gali karaan , xataa haddii ay noqoto biyo cad, sabatoo ah, lakabka ugu horeeya caanaha naaska hooyada ayaa ah biyo, uu Alle (SW) uu ugu tallo-galay ilmaha yar, kaasoo dhisa gidaarka caloosha, si uu ugu adkaysto karo billowga ugu horeeya ee burburibta cuntada illaa inta uu nool yahay.

Sida hadda shaybaadhada aduunku ay xaqiijiyeen, macdanta manganese ee ku jirta wax-yaabaha kale ee caruurta la siiyo ay ka sareeyso 80-jeer caanaha naaska hooyada, taasoo ay ku qiyaaseen in halkii litter ee caanaha naaska hooyada ay ku jiraan 0.004-0.006/ mg oo ah manganese, halka, halkii litter caanaha lo’dana ay ku qiyaaseen in ay ku jiraan 0.030-0.050/mg oo ah manganese iyo in halkii litter cuntooyinka caruurtana ay ku jiraan 0.2-0.3 mg oo ah manganese, taasoo ku keenta caruurta yar yar feejignaan la’aanta iyo cudurada keena qal-qaalinimada, ee loo yaqaano attention deficient/hyperactivity disorder (ADHD).

Marka uu dhasho Illmaha yari haddii uu waayo naas-nuujinta caanaha hooyaddii, waxa uu la kulmaa dhibaatooyin badan oo dhinaca caafimaadka ah, sida, shuban, matag iyo cuduro badan oo aynaan halkan ku soo koobi kareyn, waxaana taasi sabab u ah, oo ka maqan culaygii caloosha, haddaba, akhriste waxa ay isweydiin tahay, Culaygu muxuu u taraa haanta caanaha lagu shubo? taas macnahaadu, waxa weeyaan  Lasoco Todobaadka Danbe haddii alle idmo……………………………………….

 

 

Leave a Reply