Somaliland oo Mastaafurisay Shaqaale Ajanabi ah oo Aflagaadeeyay Diinta Islaamka

0
589

Hargeysa (Dawan)- Xukuumada Jamhuuriyadda  Somaliland,  ayaa shalay dalka ka mastaafurisay nin iyo haweenay ka tirsan shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Hargeysa, kuwaasi oo ka kala tirsanaa hay’adda miino-baadhista ee DDG iyo hay’adda Qaxoontiga ee DRC oo labadaba laga leeyahay Waddanka Denmark

. .
Labadan qof ee la mastaqafuriyey oo lagu kala magacaabo David   iyo Nekloy,  ayaa laga saaray dalka Jamhuuriyada Somaliland, kadib markii ay aflagaado u gaysteen qaar ka mid ah shacaa’irta diinta Islaamka, isla markaan lagu soo eedeeyay in ay handadeen  qaar ka mid ah shaqaalahooda oo salaad tukanayay.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibaraahim Aadan (Qabo) ayaa warbaahinta u caddeeyey in talaabo adag laga qaaday oo dalka laga saaray labo ka mid ah shaqaalaha caalamiga ah ee u shaqeeya hay’addaha DRC iyo DDG. “Waxa laga cabanayey laba qof oo shaqalaaha calaamiga ah, kuwaas la yidhaahdo David Iyo Nekloy oo la sheegay in ay wax ka sheegay diinteenna Suuban ee Islaamka. haweenaydu waxa ay handaday darwaalkeedii oo salaada duhur ku jira, kadib markii ay Madaarka ka soo degtay.  Ninka David la yidhaado isagana waxaa laga sheegay in uu hadal aan wanaagsnayn ka sheegay eedanka oo baxaya , markaanu arrintaa ogaanay waxaanu go’aan ku qaadanay in la mustaafuriyo haddana waanu ka saarnay waddanka,”ayuu yidhi Wasiirku, waxaanu intaas ku daray “Waxaan u mahadcelinayaa hay’adda DRC iyo DDG oo shaqada ka joojiyey labadaa qof islamarkaana nala qaatay go’aankaygii, labada qof shaqadiina waa laga joojiyey dalkana waa laga saaray.”

Wasiir Maxamed, waxa uu  wacad ku maray in ay talaabo cad ka qaadayaan cid kasta oo ka hor-timaada diinteena Islaamka iyo shuruucda dalka u taal, waxaanu yidhi “Cid kasta oo diintayadan suuban iyo shuruucda dalkayga ka hortimaada oo aanu u aragno in ay ku gafayaan u ogaalan mayno in ay waddankayga joogan, waa in ay had iyo jeer ixtiraam oo ay wanaag nagula shaqeeyan oo ay ilaaliyan diintayada iyo dhaqankayaga.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply