Xikmadaha Iyo Weedhaha Juxo

0
766

Maalin ayuu ninkii la odhan jiray Juxo ee caanka ku ah qisaska Carabta, ayaa ka qayb galay Aas Geeri qof dhintay, Juxo wuxuu ahaa nin aad uga baqan jiray geerida iyo dhimashada.

Nin ka mid ah kooxdii maydka siday oo yaqaanay Juxo inuu ka baqo dhimashada ayaa weydiiyay isagoo doonaya  inuu muujiyo fulaynimadiisa su’aal ahayd “ Juxo Naxashka maydka saraan yahay in xagga hore laga socdo iyo in xagga danbe laga socdo keebaa wanaagsan?”.

Juxo wuxuu ahaa nin caqliga inta badan ka shaqaysiiya waxaanu ugu jawabaay weedho xikmad noqday oo ah “ Xagga hore iyo xagga danbe kii aad doonto ka soco, waxa muhiim ah in aanad noqon kan naxashka lagu sido”.

 

Leave a Reply