Xikmadaha Maanta

0
3220

Qofkasta oo aad la hadlaysid waa inaad ixtiraam kula dhaqantaa si adiga uu kuu ixtiraamo, bulshada kalena ay kuu ixtiraamaan

Marka uu qof kula hadlaayo waxaa waajib ah inaad dhagaha u raaricisid adiga oo la socda hadalakiisa bilow ilaa dhamaad.

Inta aanad hadlin waa inaad la socotaa hadalka aad sheegaysaa in aanu  dhaawacayn ama gaf cid kale u gaysanayn.

Waxaa laga yaaba muuqaalkaga sare inay dadka kugu jecladaan oo aad kusoo jiidatid laakiin waxaa ka fiican adigo akhlaaqdaada ku soo jiita

Isku day inaad marwalba dadka wanaag  ku dhex faafisid oo xumaanta dhexdoodana heshiis ku dhamaysid.

Haday khasab kugu noqoto inaad la hadashid qof gef idin dhexmaray iskuday inaad ula hadashid si wanaagsan adigoo qarinaya xumanta aad u qaaday qofka

Dhoola cadeynta waa waxa ugu quruxda badan ee qofka aad wajigiisa kala hortagtid iyadoo gudbinaysa fariin degdeg ah oo wanaaga ka tarjumaysa

Ogow qofka sidaad ula dhaqantid ayuu marwalba kuula dhaqmaaya .

Ixtiraam dadka, adigana waa lagu ixtiraami doonaa,  sadaqada bixi, Arsaaqadu way kuu badan, dhoola caddee waa lagaa abaaline, is dhul dhig same , waad sarayne.

 

Leave a Reply