Weerar Gaadhi Xamuuul ah loo Adeegsaday oo Dad ku laayay Sweden

0
257

Weerar loo adeegsadey Gaadhi xamuul ah ayaa lagu qaaday  dukaan ku yaalla bartamaha caasimada Sweden ee Stockholm, waxaana halkaa ku dhintay ugu yaraan afar  qof, sida uu sheegay booliska Sweden.

Dhowr qof oo kale ayaa ku dhaawacantay dhacdadan  oo u muuqata in si kas ah  gaadhiga loogu weeraray  waddo mashquul badan oo ku taaalla aaga Drottninggatan.

Ra’iisalwasaaraha Sweden, Stefan Lofven waxa uu sheegay inay suuragal tahay inuu yahay weerar ay ‘argagixiso’ ka dambeysay.

Waxa uu intaasi ku daray in hal qof la xidhay. Ra’isalwasaaruhu Faahfaahin kale ma bixinin.

Shirkadda leh gaadhiga xamuulka ah ee dadka la jiidhsiiyay ayaa sheegtay in gaadhigaasi la afduubay shalay subax markii nin kaga soo booday daaqadda.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay qeybo kale oo ka mid ah magaalada, sida uu ku warramay weriyaha BBC-da arrimaha ammaanka Frank Gardner oo soo xigtay ilo wareedyo dhinaca ammaanka.

Wali lama garanayo in labada dhacdo ay xidhiidh leeyihiin iyo in kale.

 

 

Leave a Reply