17 Qof oo Shuban Biyood ugu Dhintay Gobolka Xaysimo

0
470

Axmed (Xiir),r ayaa ka xog wardramay xaaladda guud ee gobolka, saamaynta abaaraha baahsan ee ka jirta iyo halka ay marayso xaaladda xanuunka shuban biyoodka ee ka dilaacay deegaankaas.

Cabdirashiid Xiir, waxa uu sheegay in deegaanka gobolka Xaysimo uu ka dilaacay xannuunka shuban biyoodku, kaas oo ay u dhinteen illaa hadda 17 qof, sidoo kalena waxa uu faahfaahin ka bixiyay saamaynta xaallada abaareed iyo sida uu raxmaadku u helay deegaankaas.

 

”Muddadii abaarta waxaan ku sugnaa gobolka iyo degmooyinkiisa, mana aha wax la qiyaasi karo waxyeelada ay dadka iyo xoolihii ay ku noolaayeen ba u geysatey abbaartu, xoolaha 80% way dhaafisay, sidoo kale dadkii waxa ku dhufatey nafaqo darro ay sababtay abbaartu, ka dib markii ay waayeen hilibkii iyo caanihii  ay nafaqada ka heli jireen, kadib waxay u nuglaadeen dadkii xanuuno, ha ugu darnaado shuban biyoodka oo ay ilaa 17 qof u geeriyoodeen.

Xukuumadda aan wakiilka uga ahay gobolkan Xaysimo, runtii ma aanu yarayn dedaalka ay u gashay, waxaanay  bilowday ka hawlgelida gobolkan bishii October ee sannadkii hore, shacabkuna way ogsoon yihiin wayna uga mahadcelinayaan xukuumadda, inkasta oo ay baahidii qabaan weli oo ay fara badan yihiin baahiyaha nolosha, gobolkuna waa lix degmo oo ay caasimada Taleex ku jirto oo dhamaantood masaafo dheer isu jira, In badanna waanu qaylinaynay oo qaylo dhaanta ma aanu yareysan taas oo ahayd caafimaadka iyo nolosha kale,  waxaanuna sidoo kale u mahadcelinaynaa ganacsatada oo garab is taagay xukuumadooda oo wixii ay karayeen soo gaadhsiiyey dadkooda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Xaysimo oo la hadlayay warbaahinta.

Guddoomiyahu waxa uu u mahadnaqay hay’adda ICRC oo uu sheegay in ay door wayn ka qaadatay xaaladda caafimaadka ee gobolka, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad naqayaa hay’adda ICRC oo door wayn ka qaadatay xaaladda caafimaad ee gobolka Xaysimo, sidoo kalena noo furtay isbitaalkii oo aan shaqaynayn muddo, waxa kale oo iyaduna biyo dhaamiska qayb weyn ka qaadatay hay’adda IRC-da, waxaa kale oo iyaduna dhaqaale ay ku noolaadaan (lacag) shacabka gaadhsiisay hay’adda SAVE CHILDREN oo dhawaan ka hawlgashay gobolka iyadoo 700 qoys u qaybisay.”

 

Waxa kaloo   uu intaas ku daray, “Raxmaadka gobolka ka da’ay ma aha mid salka lagu dhigay, waxaana ka da’ay gobolka roobab aan miisaan badan lahayn, oo  dhinaca waqooyiga  ka helay meelo lagu magacaabo Carrooley, Dhubuq-dhubuq,  iyo dhinaca bariga oo Xalin xigta meel lagu magacaabo Kacaya, sidoo kale waxaan ka jirin gobolka xaalad amni darro, waana nabdgelyo gobolku, waana wax Illaahay loogu maahd naqo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply