Madaxweyne Erdogan oo Canbaareeyay Go’doominta Qadar

0
536

Madaxweynaha Turkiga,  Recep Tayyip Erdogan ayaa canbaareeyay go’doominta Qadar ay ku soo rogeen dhawr dal oo carab ahi, waxaanu ku macneeyay mid binu’aadamnimada ka baxsan, islamarkaana ka dhan ah qiyamka islaamnimada.

Mr Erdogan  ayaa intaa raaciyay in go’aankii toddobaadkii  hore   ay dalalka Sucuudi arabiya, Imaaraatka iyo Masar ay ka qaateen dalka Qadar  uu la mid yahay ciqaab dil ah.

Qadar  ayaa lagu eedeeyay in ay caawiso kooxaha argagixisada ah iyo Iiraan- taas oo ay beenisay.

Mr Erdogan  ayaa wacad ku marey inuu ka gargaarayo  Qadar raadka uu qalalahaasi ku yeesho, kaas oo uu tibaaxay in loo baahan yahay in ay tahay inay  xaliso Sucuudi arabiya.

Turkiga ayaa horeba ugu duuliyay Dooxa cuntooyin iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyo, alaabtaas oo durbaba gaadhey suuqyada toddobaadkan.

Moroko,oo sheegtay in ay dhex ka ahaaneyso muranka ayaa ku dhawaaqdey isniintii in ay sida oo kale iyana u direyso dayaarado raashin ah si aanay u dhicin gabaabsi cunto.

Leave a Reply