Somaliland: Sicirka Sarifka Doolarka Oo Halkiisi ku Noqday

0
2186

Sicirka sarifka suuqa lacagaha qalaad ee magaalada Hargeysa ayaa todobaadkii u dambeeyey kor u kacay, islamarkaana sameeyey  qoysaska dan yarta ah iyo iibka qiimaha maciishadaha daruuriga ah .

Kor u kaca sarifka ama isu-bedelka lacagta dollar-ka ee shillinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey lagu sarifayey  $1oo dollar lacag dhan  860,000 oo  shillinka Somaliland ah taas oo meesha ka saartay go’aankii Madaxweynuhu 24 bishii kowaad ka soo saaray sicirka sarifka iyo qiimaynta Shillinka Somaliland , waxaana uu madaxweynuhu fulinta go’aanka  u xilsaaray Guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir-bararka oo shaqadoodu ahayd la socodka iyo suulinta sarif bararka baahsan ee bulshada hadheeyey

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa is waydinaysa halka ay ku danbeeyeen guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir-bararka . waxaana ay Madaxweynaha ugu baaqeen in uu socod siiyo go’aankii uu kasoo saaray kor u kaca doolar

“ Waxaan u aragnaa khalad waxaan leenahay Madaxweynaha rumee raygaagi la dagaalka Sarifka kor un usii  kacaaya”  ayuu yidhi Axmed Naasir oo ka tirsan dhalinayarada magaalada hargeysa

Cabdiraxmaan Maxamed Sidci oo ka mid ah bulshada ku dhaqan magaalada hargeysa hargeysa ayaa guddida ugu baaqay in ay daacad ka ahaato suulinta sarif bararka waxaana uu yidhi

“ Sicir bararkan waxaan u aragnaa lafo jab ku yimid bulshada Somaliland , waxaanu ka codsanaynaa Xukumaddayda in ay shaqo degdeg ah oo ka daacad ah ay ka qabto oo go’aankeedi hore ay ku adkaysato “

Xuseen Cali Xaaji oo ka mid ah Sariflayaasha Magaalada hargeysa ayaa sheegay in aan weli la helin ciriqa rasmiga ah ee lagula tacaalayo kor u kaca doolarka iyo qiimaynta shillinka Somaliland isaga oo guddi ku eedeyey in aysan daacad ka ahayn hawsha Madaxweynuhu u igmaday  Waxaana uu yidhi

“ Waxaan weli la helin ciriqa rasmiga ah ee xalka u noqo kara kor u  kacan lacagta qalaad ee soo noqnoqnaysa , Madaxweynuhu in badan ayuu isku dayey balse guddida uu u xilsaaray ayaaney daacad ka ahayn suulinti kor u kaca lacagta qalaad ,”

 

Guddida heer Qaran ee la dagaallanka qiima-dhaca Shilinka Somaliland iyo sicir-bararka ayaan wax  faahfaahin ka bixin sababtu uu  sarifka qiimaha doolarku ugu noqday halkiisi iyo waxyabaaha ay ila hada ka qabteen adeegyadda lacagta hawada la isugu diro ee Mobel Money Transfer ,kuwaas oo ay isticmaalan shirkadaha Telesom (Zaad) iyo Somtel (E-Dahab)

 

25 bishii kowaad ee sanadkan ayey ahayd markii guddoomiyaha baanka dhexe uu sheegay in aan $100 sarifkiisa la dhaafin Karin 700,000 oo shillinka Somaliland balse ma muuqdo wax daba-gal ah oo arrintaa lagu sameeyey waana ta maanta gaadhsiisay in boqolka doolar laga sarifo 920.000 oo shillin.

 

 

Leave a Reply