Doorashada guud ee Kiiniya

0
683

Tirintii codadka doorashada guud ee Kiiniya ayaa si rasmi ah u bilaabantay wax yar  kadib markii  la soo gebabgebeeyay cod dhiibashada oo qaadatay maalin dhan oo la galey safaf dhaadheer balse aanay dhicin dhib sidaa u sii buuran.

Madaxweynaha xilka haya Uhuru Kenyatta,  ayaa rajeynaya inuu mar kale xilka qabto, haseyeeshee waxa uu loolan adagi kaga imanayaa ninka ay waqtiga dheer iska soo horjeedeen ee Raila Odinga.

Natiijada ayaa la filayaa arabacada balse guddida doorashada ayaa haysta muddo toddoba cisho ah si ay ugu dhawaaqaan ninka ay guushu raacday.

Haseyeeshee,  wararka ka imanaya caasimada Neyroobi ayaa sheegaya in  la filayo ninka guushu raacdo in lagu dhawaaqo 48 saacadood gudahood, iyada oo laga cabsi qabo in dib u dhac kasta keeni karo qalalaase badan.

Sida wararku sheegayaan ilaa  41,000 oo goob cod dhiibasho ayaa natiijadooda loo gudbin doonaa xarumaha gobollada ee la iskugu  geynayo iyada oo kadibna loo sii gudbin doono xarunta guud ee isku jamcinta natijooyinka.

Safiirada Maraykanka,iyo UK iyo wadamo kale ayaa ku sugan xarunta ay ku soo dhacayaan codadka la tiranayo ee Bomas hall ee magaalada Nairobi.

Guddiga doorashada ee Kenya ayaa waxa ay xalay fiidkiiba  ay tiriyeen ku dhawaad 3 milyan oo ka mid ah codadkii la dhiibtay.

Natiijadii 5,000 ee cod ee ugu horaysay ayay isla fiidkii  guddiga doorashada ee IEBC tiriyeen.

Saraakiisha doorashada ayaa codadka ku tirinaya goobta codadka laga dhiibtay ka dib na waxa ay u soo gudbinayaan xarunta dhexe ee caasimada ,Nairobi.

Madaxa fulinta ee gudiga doorashada Kenya ,Ezra Chiloba, ayaa difaacay go’aanka guddiga ay ku soo daabaceen natiijada doorashada xilli ay wali socto dhiibashada codadka goobaha qaar.

Hadalka Chiloba ayaa jawaab u ahaa eedeeyn ahayd in ay arrintan galaangal ku yeelan karto natiijada.

Qayba ka mid ah dalka ayaa lagu daray waqtiga codaynta sababo la xiriira in goobaha codaynat la furay waqti dambe.

“Hadii qaar ka mid ah goobaha codaynta ay saameeyeen duruufo ka dhigtay mid aan suuaragal ahayn in geedi socodka la dhamystiro ,waa caadi in aan sii wadno ku dhawaqida natiijada,”ayuu yidhi Mr Chiloba.

Komishanka doorashooyinka ayaa sheegay in ay jireen melaha qaar rooabab waaweyn oo carqaladeeyay cod dhiibashada balse loo duuliyay ggobahaasi agabkii iyao shaqaalihiba.

In ka badan 19 million oo Kiiniyaan ah ayaa  codkooda ka dhiiban kara doorashada.

 

Leave a Reply