Magaalada Dad Gaar Ahi Degeen

0
583

Dunidan ayaa caan ku ah cunsuriyad iyo xaqiraad kala duwan, midabka, tirada, muuqaalka, maalka iwm.  Arrinkaasi ayaa sababay in koox kasta isu urursato si ay uga badbaado cadaadiska kaga imanaya kooxaha kale ee cunsuriga ah. Dalka China oo ah dalka dunida ugu dadka badan ayay dadka gaagaaban ee ku nool iyagoo ka fogaanaya cadaadiska kaga imanaya dadka ka dhaadheer ay samaysteen magaalo iyo deegaan u gaar ah. Magaaladan oo lagu magacaabo Yunnan kuna taalla gobolka Kumnming ayaa gaar u ah dadka gaagaaban.   Sharciga tuuladan lagu degi karo aya ah in aanu dhererkaagu dhaafin 129.54 cm.

Dadka gaagaaban ayaa ka sameeyay magaalaada saldhig booliis iyo saldhiga ay degen yihiin ciidanka difaaca madaniga ah. Deegaankan ayay ku nool yihiin 120 qof oo dadka gaagaaban ah.  Dhismaha guryahooda ayay u eekaysiiyeen guriyihii ay degi jireen dadkii gaagaaban ee tariikhada lagu xuso. Bulshooyinka  Dunida ayay la yaab ku noqotay deegaankani , waxayna  noqotay goob loo soo dalxiis tago. Dadkan ayaa abuuray maharajano u gaar ah iyo heeso ay u qadaan dalxiisayaasha. Waxaana loo bixiyay deegaanka boqortooyada dadka gaagaaban.

Leave a Reply