Baahida Aadamiga Ee Saacadda?

0
397

Saacadda wakhtiga sheegta ee sebenkan la isticmaala kumay bilaabin maalin iyo habeen keliya waxay ka curatay tijaabooyin is daba socday oo ilaa wakhti fog ah.

Masaaridii hore waxay adeegsan jireen calaamado qiyaas  hadhka iyo cadceeda ah, ka dibna waxay curiyeen saacadda biyaha ay gudaheeda ku jiraan.

Saacadda Makaanikada ah ee wakhtigan la adeegsado, waxay soo shaac baxday qarnigii 13 aad ee Miilaadiga. Shiinaha ayaa sheegay in nin lagu magcaabo SowSang uu curiyay saacadda sanadkii 1092. Waa mid aan la isku waafaqsanayn, laakiin badhkood ayaa leh saacaddu waxay jirtay wakhti ka horeeyay 7000 sano dhalashadii Ciise (cs), si cad la iskuma waafaqsana curinta wakhtiga rasmiga,

Waxase cad in aadamigu waa hore ogaaday baahida uu u qabo inuu ogaado socodka wakhtiga, taasi oo bulsho kasta si gaar ah u adeegsatay hab wakhtiyeed u gaar ah.

Leave a Reply