Markii markabku ku soo xidhay dekedda ayay Kabtankii Marakabka waday wada sheekaysteen ninkii dekeda joogay oo wedyiiyay goortii uu bilaabay badmareenimada.
Kabtanka ayaa u sheegay inuu ka dhaxlay abihii, oo aabihiina uu awoowgii ka sii dhaxlay. Labadoodba ay badda ku dhinteen. Ninkii aya yaabay oo yidhi: “ Oo ma adigoo aabaha iyo awowgaa ay galaafaty baddu ayaad adiguna badda ku jirta ?” . Badmareenkii aya weydiiyay adiga aabaha xaguu ku dhintay waxaana uu ku yidhi:”Aabahay iyo awoogayba waxay ku dhinteen gurigayaga“!.
Ninkii Badmareenka ahaa aya ugu jawaabay oo ma iyagoo labdoodiiba ku dhintay guriga ayaad aadna weli joogtaa guriga. Kabtanka ayaa isaga dhaqaaqay dhinaca markabkiisa oo ku yidhi :” Noqo mid mahad naqa inta aad nooshahay, ogowna inay aduunyadu tahay maalmo wareegaya oo tirsan, haddii aad arin goostana Allah talo saaro”.