Dumarka dalka Qadar ayaa la sheegay in aqoontooda ay kula dagaalamayaan saamaynta ay yeelatay go’doominta lagu sameeyay dalkooda.
Tusaale ahaan, gabadh ka mid ah qoyska boqortooyada Qadar oo lagu magacaabo Sheekha Hinda ayaa ku sugan magaalada London ee UK, halkaas oo ay ka jeedinayso khudbado la xidhiidha wanaagga dalkeeda, horumarka uu sameeyay, iyo waxyaabaha uu hiigsanayo, waxayna doonaysaa in ay meesha ka baxaan afkaaraha qaar ee laga qabo.
Fikradaha laga qabo waxaa ka mid ah arrimaha ku saabsan xuquuqaha dumarka, sidaas darteed markii la weydiiyay aragtideeda ku aadan dumarka Sucuudiga ee loo fasaxay wadista gawaadhida, hadalkaba dhexda umaysan dhigin, jawaabtan ayayna toos u abaartay.
“Waxaan leeyahay labo canug oo xanuunka neefta qaba, haddii saqdhexe lagu soo boodo oo aan u baahdo in aan isbitaal geeyo, ninkaygana safar shaqo ku maqanyahay, markaas waxaan ka hadlayno waa badbaado”, ayay tidhi iyada oo intaas ku dartay in ay soo dhaweynayso go’aanka dumarka Sucuudiga loogu fasaxay in ay baabuurta kaxeystaan.
Markii go’doominta la saaray dalkeeda ka dib, waxa ay hormuud ka noqotay dadaallo lagu doonayo in adduunka intiisa kale lagu tuso wanaagga Qadar.
Waxa ay wax ka baratay jaamacadaha Duke ee Maraykanka iyo jaamacadda London.
“Markii aan Maraykanka joogay waxaa la igu odhan jirey, ‘waxaan u maleynaa in aad teendhooyin ku nooshihiin”, ayay tidhi Sheekh Hinda oo sheegtay in aragti qaldan laga qabo dunida Carabta.
“Waa laga yaabaa in aan xagga dhaqanka iyo hiddaha uga duwanahay dadka kale, balse ma jirto kala duwanaansho kale, dhammaanteen waxaan rabnaa muwaadiniin aqoon leh, iyo in qofkasta dalkiisa ka helo fursado” ayay tidhi.
Waxbarashada Qadar waxay tahay muhiimadda koowaad, waxayna dhisteen 8 jaamacadood oo caalami ah iyo labo maxali ah.
Sheekh Hinda waxay madax ka tahay Qatar Foundation oo ah hay’adda u xilsaaran maalgalinta waxbarasho, taas oo la asaasay 20 sano ka hor.
Waa arrin adag in la gaadho qorshaha fog Qadar oo ah in ay noqoto dal leh dad aqoontoodu sarayso, kuwaas oo diyaar u ah in ay wajahaan mustaqbalka marka ay dhammaadaan keydadka gaaska iyo shidaalka.
Balse waxbarashada waa mid horseedi karta in dadka is weeydiiyaan heerka dimoqoraadiyadda, markii arrintaas wax laga weeydiiyayna waxa ay tidhi “Waan hubaa in doodahaas ay haddaba jiraan”.
“Balse dimoqoraadiyada waxay tahay arrin dhinacyo badan loo fasiran karo oo micno badan leh,” ayay sheegtay Sheekh Hinda.
Mar wax laga weeydiiyay waxbarashada dumarka ayay sheegtay in boqolkiiba 60% ardayda gudaha Qadar ay yihiin haween.
Iyada hooyadeed waa Sheekha Moza oo lagu tilmaamay in ay tahay haweenka ugu saamaynta badan bariga dhexe, waxaana galaangal xooggan ku yeelatay nolosha qoyskooda.
Waxayna qeyb ka tahay jiilka cusub ee qoyska boqortooyada Qadar oo doonaya in yool cusub ay ka gaadhaan mustaqbalka.
Yoolka waxaa ka mid ah, in maalgelin badan lagu sameeyo dhanka waxbarashada, iyo siyaabo kala duwan lagu dhiirogaliyo dadka taajiriinta ah ee Qadar ee iyagu aanan soo arkin wax dhibaato nololeed.
Awoodda dadban ee Qadar ayaa ah mid aad u saraysa, marka laga tago in ay martigalinayaan koobka adduunka, hadana waxay hormuud ka tahay dalalka bixiya deeqaha waxbarasho.
Sheekh Hinda ayaa tidhi “Islaamku ma qabo in aad sheegto haddii aad wax sadaqaysato” iyada oo ka hadlaysa mashaariicda badan ee daafaha adduunka ka fuliyaan.