Dawo Gabawga Loo Sameeyay!

0
774

Gabadh 45 jir oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa isku muday Irbada ay ku jirto bakteeriyada Bacillus oo la sheegay in cimrigeedu gaadhayo 3.5 Malyun sano.

Haweeneyda, oo lagu magacaabo “Manoch Munch,” waxay noqotay qofkii u horeeyay ee tijaabadan ogolaata in lagu mudo.

Bakteeriyada “Basilus F” ayaa la sheegay inay noqon karto furaha ugu horreeya ee quruxda daa’imka ah iyo la dagaallanka da’da, iyadoo dadka kala dagaalamaysa in jidhkoodu coodh coodho oo da’du ka muqato.!

F-bakteeriyadu waxaa laga helay ciidda qaboobaha ee waqooyi galbeed ee Russia sannadkii 2009. Kadib markii ay baadheen DNA-da bakteeriyada koox cilmi baadhayaal ahi sanadkii 2015, waxay sheegeen inay leedahay unugyo ka soo horjeeda unugyada caadiga ah, kuwaasi oo ka baajin kara calaamadaha da’da qofka.

Agaasimaha “Department of Geochemistry” oo ka tirsan Jaamacadda Moscow, Dr. Anatoly Brochkov ayaa cadeyay in haddii tijaabadan lagu guulaysto ay noqon doonto mid muhiim ah waayo dadka waxay lacago badani kaga baxaan is qurxiunta iyo la dagaalanka muuqaalka da’da. Waxa kale oo uu sheegay in muuqaalka  jidhka gabadha lagu muday uu is bedelayo oo noqonayo mid jilicsan sida caruurnimada.

Leave a Reply