Baraasiil: Magaalo Ragga Laga Mamnuucay!

0
563

Dumarka degan magaaladani waxay u barooranayaan rag , maaha inay doonayaan inay xal u helaan arrin adag, laakiin waa iyadoo magaladii aanay joogin wax rag ahi oo ay isugu soo hadheen dumar gashaantimo ah iyo islaamo.

Magaalada Nueva de Cordeiro ee dalka Baraasiil waxa ku nool qiyaas ahaan 600 oo dumar ah oo da’doodu u dhaxasyso 20 – 35 sano.  Dhamaantoodna waxay doonayaan inay helaan ragii guursan lahaa.

Waa dumar isku kalsoon waxaana wakhtigan ay diidan yihiin sharciga magaaladan oo ah in raggu marka ay gaadhaan 18 sano magaalada laga saaro.

Dumar badan ayaa magaaladan iskaga guuray kuwaasi oo lagu guursaday magaalooyin kale, marka ay ku soo noqdaan magaaldan ragu ma soo raacan laakiin iyaga ayaa u taga maalmaha fasax iyo ciidaha. Arinka keliya ee ay ku fikirayaan dumarka magaaladani waa guurka.

Magaalada Nueva de Cordiero waxa asaastay gabadh lagu magacaabo Maria de Lima  qarnigii 19aad kadib markii magaaladii ay deganayd xoog lagaga soo saaray iyadoo lagu eedeeyay inay samaysay gogol dhaaf, ninkeedana khiyaamaysay.

Gabadha Maria de Lima   waxay samaysay ururka haweenka sumcadda laga dilay, waxayna degeen magaaladan oo ay ka mamnuuceen in raga oo kibir badani degi Karin. Dumarka magaaladan ee caruurta haysta wiilkoodu lama joogi karo wixii ka danbeeya 18 sano. Dumarkaasi ayaa ah kuwo ragooda ugu tago magaaloyinka kale ee ay degan yihiin.

Gabadh kasta oo doonaysa inay magaaladan ku noolaato waa inay si taxadar leh uga fikirto hor inta aanay soo deign.

Leave a Reply