Godad Holcaya Oo Aan Bakhtiyin!

0
437

Goobtan waxay ku taalla dalka Turkimistan oo ka mid ah jamhuuriyadihi ka go’ay Ruushka, waxaana ku yaalla godad ololaya oo aan weligood bakhtiyin oo lagu daalay bakhtiintooda, waxaan loo yaqaan albaabada Jaxiima.

Cidna ma garanayso albaabka godkan iyo sababta keentay in had iyo jeer ololkani ka soo baxo oo aanu bakhtiyin. Waxase loo malaynaya inay tahay khalad dhacay wakhtigii uu xukumayay Midowgii Sofiyeetka taasi oo ay kooxo isku deyeen inay kala soo baxaan macdan sanadkii 1971 oo ah wakhtigii ololkaasi lagu war helay.

Waxaana la sheegay inay sababtu ahayd  markii ay kooxdii baadhaysay macadanta ay fureen godkan ay ka soo baxday ur aad xumi, markaasi oo ay isku deyeen inay urtaasi ku baabiiyaan dab ay ku shidaan.Isla wakhtigaasi ayay dab qabadsiiyeen miino dabiici ah, iyado tan iyo wakhtigaasi iyo ilaa maanta ololkaasi uu baxayo oo aanu mar keliya bakhtiyin, waana arimaha lagu daalay ee dunida ka jira.

Leave a Reply