Maayarrada Berbera iyo Hargeysa oo ka Fal-celiyey Wareegtadii Xukuumadda

0
480

Hargeysa (Dawan)- Maayararada magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Cabdishakuur Maxamed Cidin, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay go’aankii uu wasiirka hawlaha guud ee Somaliland dawladaha hoose kaga xayiray qorshaynta iyo bixinta dhulka danta guud muddo afar bilood ah.

Maayarka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin oo ayaa gaashaanka ku dhuftay amarka wasiirka hawlaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdirashiid Ducaale Qambi, kaas oo uu dawladaha hoose ee dalka kaga dalbaday in ay u soo gudbiyaan qorshayaashii iyo dhulkii danta guud ahaa ee ay kala wareegeen kuwii ka horreeyay, isla markaana uu xayiraad ku saaramay muddo afar bilood ah in aanay qorshayn karin wax dhul danguud ah.

“Dalku waxa uu kala leeyahay deegaanka, waanu kala duwan yahay, anagu ma qorshayno beero mana bixino, dhul ay dawladu gacanta ku hayso oo qofka muwaadinka ah la siiyo ayaanu bixinaa,  masuuliyada dhulka danta guud anaga ayaa leh, balse ma laha wasaarada  hawlaha guud, wasiirku waxa uu xaq noogu leeyahay inuu soo qoro warqad oo uu na waydiiyo oo uu na yidhaa waxa loo baahan yahay  jaamacad laga dhisayo Berbera, waxaana loo baahan yahay dhul intaas leeg, waana u diyaar, dhulka anaga ayaa diwaanka ku hayna, danta guudna anaga ayaa qorshayna, anaga ayaana jarna oo ay masuuliyadayada ka mid tahay, wasiirku haddii uu caasimada oo kale ama gobolada waa weyn u soo qaato goboladayada sida nidaamsan u shaqeeya way ka yara khaldan tahay” ayuu yidhi Maayarka magaalada Berbera.

Mudane Cabdishakuur, waxa uu sheegay in qorshaynta dhulka magaalada Berbera ay masuuliyadeeda leedahay dawlada hoose ee Berbera, isla markaana aanay shaqo ku lahayn wasaaradda hawlaha guud, “Danta guud ee qorshaha magaalada anaga ayaa masuuliyadeeda iska leh, wasaaraduna shaqo kuma laha, haddii maayarka caasimadu uu u gudbinayo kuwa Awbarkhadle iyo Abaarso ee uu qorsheeyey anagu waxaanu haynaa kuwa magaalada badhtankeeda ah, iskuulada, garoomada, madarasadaha iyo shirkadaha, wasiirka hawlaha guudna door ayuu leeyahay doorkiisana anaguna ma maamulno shaqana kuma lihin.”

Maayarka Berbera waxa kale oo uu ka hadlay digreeto madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka soo saaray dhulka raasiga ah ee Berbera, waxaanu yidhi “Dawladu dhulka iyada ayaa iska leh, markii hore madaxweyne ayaa bixiyey, imikana madaxweyne ayaa joojiyey, hal meel ayaan doonayaan inaan yara toosiye, wasiirka hawlaha guud sida ay warqadu ugu socoto ayey anigana iigu socotaa, laakiin wasiirka sida hadalkiisa ka muuqata waxa iska dhex galay raasiga iyo dhulka kale ee la xayiray.”

Sidoo kale maayarka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Sida ku cad warqada digreetada ah madaxweynuhu waxa uu la noqday ruqsadii uu madaxweynihii hore dadka siiyey, laakiin inta raasiga ka sokaysa oo ah 1km iyo 450M madaxweynuhu waxa uu saaray hakin, maadaama oo dad reer Somaliland ahi ay maalgashi ku sameeyeen oo hantida ka muuqata la galiyey, inuu guddi u saaro taas oo ka soo warbixisa baahida mustaqbal ee ah in dekedu u baahan tahay wakhtigan iyo in aanay u baahnayn.”

Dhinaca kale, Maayarka Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo saxaafadda kula hadlay xarunta Dawladda hoose ee Hargeysa Arbacadii, isla markaana daba socday amarka ka soo baxay Wasaaradda Hawlaha Guud, waxa uu si faahfaahsan uga hadlay dhulka danta guud ee ay hayaan iyo qaabka ay u wareejinayaan.

“Wax badan ayaa aad loo xantaa golayaasha degaanka, markaa waxa aan doonaynaa in shacbiga reer Hargeysa iyo reer Somaliland-ba ay ogaadaan in aannu ku wareejinayno hay’adaha dawladda ee ay khusayso iyo xafiisyada sharci ee ay khusayso dhulka danta guud ah ee u kala dhigma;

  • Goobo waxbarasho, sida dugsiyo sare, hoose iyo madaarisba
  • Goobaha cibaado ee masaajidada
  • Cusbitaalo iyo MCH-yo
  • Goobaha Ciyaaraha oo ay ka mid yihiin dhul noqonaya garoomada waawayn ee ciyaaraha (Stadiums) oo ilaa shan garoon ah oo noqonaya kuwo heer qaran oo ay maamusho Wasaaradda Ciyaaruhu iyo garoomo nooca labaad (play grounds) oo ay yeelanayso, isla markaana maamuli doonto degmado
  • Dhul jardiinooyin ah
  • Iyo goobaha qashin-qubka ee magaalada ka baxsan.

Waxa kaloo uu maayirku ka hadlay qaabka ay doonayaan inay qaranka Somaliland ugu diwaangeliyaan dhulka danta guud ah ee ay gacanta ku hayaan, waxaannu yidhi; “Dhulkaas danta guud ah waxa aannu doonaynaa in aannu ka diwaangelino Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ah Wasaaradda ay dawladaha hoose la shaqeeyaan (line ministry), Wasaaradda Hawlaha Guud u qaabilsan inay dhulka diwaangeliso, Wasaaradda Maaliyadda si ay ugu darto hantida qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud oo sharci ahaan aannu iyagana uga diwaangelinayno iyo dhammaanba Wasaaradda ay khuseeyaan hawlaha shaqo ee dhulka aannu wareejinayno, sida Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, intaasba in aannu u diwaangelino si ay u noqoto wax qaran oo uu qaranku wada leeyahay… waxaanna diwaankaas oo dhan loo gelinayaa waa si aanay cidna si gaar ah ugu tagri fali karin, maadaama ay tahay hanti qaranku leeyahay.”

Maayir Cabdiraxmaan Solteco, ayaa soo bandhigay xaddiga iyo cabbirka guud ee dhul ay wareejinayaan, waxaannu yidhi; “Dhulkaas oo cadadkiisa iyo tiradiisuba marka la isku wada geeyo ay noqonayso 3,474 plots, kaasoo aannu dhukumantiigiisa oo dhan u diwaangelinayso hay’adaha ay khusayso, waana dhul danguud ah oo aannu u qaybinay qaybahaas kala duwan ee aan soo sheegnay, iyadoo mid walba ay khariidadeedii (map) wadato oo sharciyeysan, Insha Allaah.”

Digreeto ka soo baxday Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu amray maayirrada magaalooyinka dalka inay dhulka danta guud ee ay hayaan iyo macluumaadkiisa oo buuxa ku soo wareejiyaan ugu dambayn 15 Januray 2018.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply