Wasaaradda Maaliyadda oo Beenisay in Cashuur Lagu Kordhiyay Khudaarta Dibadda Laga Keeno

0
372

Hargeysa(Dawan)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa beenisay isla markaana waxba  kama jiraan ku tilmaantay cabasho ay kaga cabanayeen wasaaradda maaliyadda ganacsatada khudaarta ka keenta dalka Itoobiya oo sheegay  inwasaaradda Maaliyaddu cashuur ku kordhisay.

 

Agaasimaha waaxda kastamada wasaaradda Maaliyadda Somaliland,  Idiris Xasan Diiriye(Xoosh), oo u warramay wargeyska Dawan, ayaa

Agaasimaha oo aanu waydiinay cashuurta ay ka cabanayeen ganacsatadu ee ay ku kordhisay wasaaradda maaliyadda iyo siday wax uga jiraan,ayaa ku jawaabay. “Khudaarta waxaa lagu soo cashuuray Wajaale, waxaana mar labaadka lagu hubiyaa Kastamka Abaarso,  markaa wixii loo soo cashuuray iyo waxay baabuurtu u siddo ayaa la isu eegaa. markaa haddii ay jiraan wax  aan la soo cashuurin oo  dheeraad ku ah inta loo soo cashuuray,ayaa halkaa lagu cashuuraa khudaartaasina siday sheegeen saddex habeen may joogin kastamka, habeen hore(habeen saddexaad) ayay goor dambe Abaarso soo gaadheen, waxaanu Kastamka Abaarso oo shaqadiisa gudanayaa bilaabay dib u eegista khudaarta kala duwan ee baabuurta saaran iyo inta lasoo cashuuray in ay is leeyihiin,”ayuu yidhi Agaasimaha oo xalay u warramay wargeyska Dawan.

 

 

Idiris oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Waxaa jiray oo ku soo baxay  baaburtaas in qaybo aan cashuurayni ay  ka mid ahaayeen khudaarta ay sideen, markaa waxaa la waydiiyay oo qudha inta dheeraadka ku ah in ay cashuurtaan oo ay iska bixiyaan,waanay ku deg degeen eedaha ay warbaahinta mariyeen,markii dambena cashuurtii khudaarta ay siteen ee dheeraadka ku ahayd inta la cashuuray oo laga rabay ayay iska bixiyeen shalay(dorraad) maalinnimadiiba waa loosoo fasaxay khudaartaas.”

 

“Waxaan  u sheegayaa bulshada Somaliland  in aanay jirin cashuur la kordhiyay, laakiin looga baahan yahay qofku wuxuu sito in uu si sharciya u wada cashuurto oo aanu kala qarin isla markaana ka fogaado wax kasta oo hantidiisa caqabad ku noqon kara. markasta oo aad hantidaada ganacsi cashuurtooda kala qarin ku samayso kastamka labaad ee hubinta ah in ay kaaga xanibmi karto ogow,” ayuu yidhi agaasimaha waaxda kastamaddu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply