Cusbitaaladda Shaydaanka Ee Maraykanka!

0
674

Cusbitaalka  Taunton  ee ku yaalla gobolka Taunton  ee dalka Maraykanka waxaa la sheegay in bukaanada la keeno loo daweeyo qaab aan caadi ahayn oo shaydaanku ka qayb qaato. Daawaynta waxa ka dhakhtaro ah Shayaadiib.  Waxaana la sheegay in dadka degan cusbitaalka dhinacyadiisa ay arkan noolayaal aanay garanayn oo habeenkii ka soo baxa cusbitaalka isla markaa beerta dhinaceedda taga.

Bukaanada cusbitaalka lakeeno ayaa iyagu-na cadeeyay inay habeenkii ka arkaan hadh darbiyada cusbitaalka  kuwaasi oo aad moodo inay ilaalinayaan  bukaanka, laakiin cabsi badan ayay ku abuuraan bukaano badan.

Waxa  kale oo isna jira csbitaal laga dhisay dalka Maraykanka sanadkii 1864-kii, laakiin waxa isaga dawladdu  al-baabada u laabtay oo xidhay sanadkii 1994-kii.  Sababta cusbitaalkan loo xidhay ayaa ah kadib markii ay dad badani ku dhinteen gudihiisa iyadoon la garanayn  waxa keenay dhimashada dadkan oo ah kuwo qaarkood aanay bukin-ba.

Dadka cusbitaalkan xanuunada loo keeno ayaa cadeeyay inay goobtani tahay meel shayaadiintu ka buuxdo oo dadka ku gumaadayaan. Waxaanay intaasi raaciyeen in habeenkii ay cusbitaalka u dhex wareegaystaan shayaadiintu  si joogto ah,  waxaanay ugu baaqeen maamulayaasha cusbitaalka inay xidhaan.  Hase yeeshee cusbitaalkan  ayaa al-baabada loo xidhay kadib markii dhimashadu hadh beeshay. (almrsal)

Leave a Reply