Garsoorka Dalka oo Bilaabaya Nidaam Cusub oo ay u Qaadayaan Dacwadaha

0
465

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland,  Md. Aadan Xaaji Cali Axmed,  ayaa sheegay inay ka gudbeen nidaamkii hore ee uu ku shaqeyn jiran garsoorku, kaasi oo ahaa qalin qoraal, islamarkaana ay u beddeleen hab duubitaan ah oo la shaqeynaya wakhti xaadirkan.

 

 

Waxa kaloo    uu faahfaahin ka bixiyay kiisaskii ugu layaabka badnaa ee soo maray sannadkii tagey.

 

“Marka aad waddanka oo dhan eegto maxkamadihii oo dhan dhismayaal ayaa ka socda, bilicdoodii waa la wanaajiyay, meelaha garta lagu naqo waa la wanaajiyay, meelaha ay dadku ku sugayaan waa la hagaajiyey oo dib u dhis weyn ayaa ka socda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare.

 

Aadan Xaaji Cali waxa uu daboolka ka qaaday inay ka garsoor ahaan ay ka gudbeen nidaamkii hadal qoraaleedka ee ay isticmaali jireen una beddeleen hab duubitaan ah oo casriya, waxaannu yidhi “Waxaanu    dhawaan soo bandhigi doonaa oo iyagana aanu hirgalinay nidaamka duubitaanka kiisaska nidaamkeenna garsoorku waxa uu raacaa kii aynu ku bilaabnay qarniyo ka hor ee marka dacwadda la dhegaysanayay kaaliyuhu  gacanta ku qorayay, markaa nidaam tijaabo ah oo dacwadaha xasaasiga ah aanu ku bilaabayno ayaanu hirgalineynaa, waanuna soo bandhigi doonaa dhawaan.”

 

 

Guddoomiye Aadan waxa uu madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ku ammaanay sidii uu ula soo shaqeeyay bahda garsoorka, waxaannu yidhi  “Waxaan si weyn ugu mahadnaqayaa madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, sidii hagar la’aanta ahayd ee ay garsoorka isu dhinac taagay, waxyaabihii lagu xasuusto waxa ka mid ahaa booqashadii uu xarunta garsoorka ku yimid, mushahar kordhinta, madax bannaanida iyo ixtiraamka garsoorka inuu aad u dhegaysto oo ta ugu qiimaha badan ahayd, ta kale madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aanu kulanay waxa uu balanqaaday in waddadii uu ku taagnaa Siilaanyo ee garsoorka uu ku taagnaanayo, oo uu wixii hadhay la qabanayo, waxyaabaha hadhay waxa ka mida xeerka xuquuqdii garsoorka qodobka kale ee aan soo jeedinayaa waxa weeyaan dadku inay qancaan hadday maxkamadda yimaadaan, wax aanad lahayna ha ku doodin.”

 

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex,  Axmed Dalmar Ismaaciil,  ayaa dhinaciisa sharraxay kiisaskii ugu xasaasisanaa ee soo maray maxkamadda sannadkii 2017kii, waxaannu yidhi “Shan boqol oo dacwadood in ka badan ayaanu qaadnay, annaga oo kor u qaadney xawliga shaqada sannadkii 2017-ka, dacwadaha dilka badheedhka ah ee na soo galay waxay ahaayeen lixdan dacwadood oo dil ah, dacwadihii ugu xasaasisanaa ee maxkamadda soo galay tii mukhalasiinta dadka amase dadka  soo raaca ee maxkamadda iyo dadka u dhexeeyaa ee kiisaska dilaaliinta ka noqda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply