Ururka SOLJA oo ka Hadlay Laba Weriye oo Maxkamadda Boorame Xukuntay

0
489

Boorame (Dawan)- Maxkamadda gobolka Awdal ayaa shalay xukun xabsiya oo min laba sannadood ah ku riday laba weriye oo ka hawlgala magaaladda Boorame, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay hore u faafiyeen warar   been abuur iyo dacaayad qaran ah. 

Labadan weriye ee la xukumay oo ka hawl gala warbaahinta madaxa banaan ayaa  magacyadoodu kala yihiin Axmed Diiriye Ciil-tire, oo ka shqeeya TV-ga SBC iyo Maxamed C/laahi Xuseen (Dab-shid), oo ka shaqeeya TV-ga Kalsan.

Labadan suxufi  oo dhegaysiga dacwadoodu muddo ka socday maxkamadda gobolka Awdal ee Boorama ayaa lagu eedeeyay in ay baraha bulshadda hore ugu baahiyeen warar  been abuur ah oo ay ku sheegeen in xadka Itoobiya ee  ku aadan magaaladda Boorama lagu tababarayo  kooxo Oromo ah oo la dagaalamaya dawladda Itoobiya. Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Awdal C/raxmaan  Geedi Rooble, oo  warbaahinta uga warbixiyay xukunka ay weriyeyaasha ku rideen iyo qodobadda loo cuskaday xukunkaasi ayaa sheegay in aan xukunkaasi loo raacin qodobadda xeerka saxaafadda Somaliland, balse  loo maray qodobadda xeerka ciqaabta guud.Waxaanu yidhi “Dacwadda lagu eedaynayay labadda weriye ee la xukumay oo danbiyadda loo haystay ay ahayd qodobadda xeerka ciqaabta guud, ee qodobadda 215-aad,  219-aad  iyo qodobadda kale ee la xidhiidha ee sharciga ee lagu soo ladhay  ayaa loo cuskaday, waxaana lagu xukumay midkiiba 2 sanadood oo xadhig ah. Racfaan ayaanay ka qaateen weriyeyaashu xukunkaasi, iyadoo  sidaas ay  ku dhamaatay dacwadii suxufiyiintaasi loo haystay, oo in badan soo socotay xeer  ilaalintu-na ay ku soo oogtay. Xeerka saxaafadda looma marin oo qodobadaas kale  ee lidka ku ah qaranka ayaa  la soo saaray.  Gar-soorihii dacwadaas dhegaysanayay, markii uu  u kuur-galay wixii cadaymo ahaa ee la hayay-na uu eegay,  sidaas ayuu ku xukumay. Racfaan ayaana xukunkaasi laga qaaday, maxkamadda racfaanka ayaanu kiiskaasi nooga wareegay.”

Geesta  kale  qareen  Abubakar  sheekh Maxamuud, oo ahaa qareenkii u doodayay labadda weriye ayaa sheegay in qodobadda lagu eedeeyay labadda weriye ee xeer ilaalintu u cuskatay ay ahaayeen 4 qodob, isla markaana ay labadda weriye eedahaasi iska difaaceen.

Qareen Abubakar ayaa xaq darro ku tilmaamay  xukunkaasi, isla markaana aanu u cuntamaynin.  “Waxaa lagu soo eedeeyay 4 qodob, oo xeerka ciqaabta guud ee kala ah 215, 219 iyo 228 iyo 229. Eedaysaneyaashu fadhigii kowaad ee maxkamadda markii loo akhriyay eedahoodda, waxay kaga jawaabeen in aanay qabin eedaasi maxkamadda la keenay ee afarta qodob ka kooban.

Laakiin, xaq daradda  dhacday waxay tahay  go’aanka maxkamadda ka soo baxay oo noo cuntami waayay,  taasoo aanu u aragno in wax danbi ah iyo wax marag ah oo ku cadaynaya danbiga ay galeen maxkamadda la hor keenin, in hadana 2 sanadood oo xadhig ah lagu xukumay”ayuu yidhi qareen Abubakar.

Waxaanu intaas raaciyay in ay racfaan ka qaateen xukunkaasi, isla markaana ay ku rejo weyn yihiin in maxkamadda racfaanku ay si cadaalad ah uga gar-naqdo. Waxaanu yidhi  “Sidoo kale iyadoon lagu xaq dhawrin xeerkoodii saxaafadeed ee xeer lanbar 27/2004 iyo qodobka dastuurka Somaliland ee 32-aad oo awood u siinaya xuququuda xariyatul-qawlka hadalka iyo qoraalka-ba ayaa inta la iska baal maray, waxaa lagu xukumay  2 sannadood oo xadhig ah.Waxaanu qaaday racfaan, waxaanan ku rejo weynahay in aanu maxkamadda rafcaanka u gudbin  doono wixii aan kaga cabanayno  xukunkaasi, dariiq sharci-na aanu u mari doonno, cabashadayadda iyo racfaankaayaga-ba”.

Dhinaca kale Ururka suxufiyiinta jamhuuriyadda Somaliland ee SOLJA ayaa canbaareeyay xukunno ay maxkamadda gobolka Awdal  shalay ku riday 2 weriye, guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (xuuto), oo shalay  shir ajraa’id ku qabtay xarunta ururka ee magaaladda Hargaysa ayaa xadhiga labadda weriye ku tilmaamay  dhacdo cusub oo sanadkan 2018-ka ay la kowsatay warbaahinta Somaliland.

Isagoo ka hadlayay   kiiska dacwadda  lagu eedeeyay labaddan weriye, waxa uu yidhi “Warka lagu soo eedeeyay labadan weriye wuxuu ku saabsanaa war ay ku baahiyeen website, oo kuma ay baahin TV-yadda ay ka shaqeeyaan.   Waxaan u aragnaa xukun culus  kiiska maxkamadu ku xukuntay  labadaas weriye.  Kiiska lagu eedeeyay labadan weriye wuxuu ahaa kiis cadayntiisa u baahan, saamayntiisana lahaa marka dhinac laga eego guud ahaan Somaliland, maadaama oo uu warkaasi ka hadlayay  ciidamo Oromo ah  lagu tababarayay gobolka Awdal, taasoo saamayn ku yeelatay  gobolka Awdal iyo Somaliland-ba”.

Wuxuu sheegay in ay ka ururka ahaan xukunkaasi u arkaan mid culus oo ciqaab ah, isla markaana ay ahayd in xal kale oo raadiyo. “SOLJA ahaan, xukunkaasi waxaanu u aragnaa in xukun adag oo ciqaab ah uu yahay,  oo ay ahayd in xal kale loo raadiyo, inkastoo danbiga lagu haystaa uu yahay mid weyn”ayuu yidhi guddoomiyaha SOLJA.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply