Weelkoodda Ayay Rigaaxan Si Ay Khayr U Helaan!

0
470

Caadooyinka sanad kastoo cusub lagu soo dhaweeyo waa kuwo yaab leh. DalkaA Denmark marka sanadka  cusubi soo dhawaado waxay diyaariyaan suxuun iyo dabaqyo baali ah oo wakhti hore la isticmaalay kana samaysan quraarado.

 

Maalinta ay bisha Diisambar tahay 3-ka, ayay suxuuntaasi ku jejebiyaan guryahooda hortiisa  iyagoo weliba ay kala soo qayb galaan saaxiibadood iyo qarabadooda.

 

Ujeedada xafladan burburinta suxuunta baaliga ah ayaa ah iyagoo aaminsan inay ka xijaabayso kana celinayso sharka iyo belaayada sanadka cusub iyo in nasiib xumadu ay raacdo sanadkaasi tegay,  iyo soo dhawaynta rejada wanaagga sanadka cusub.

 

Dalka Argentina ayaa isna u xusa si cajiib ah bilawga sanadka cusub ee miilaadiga ah.  Bulshadda Aragntiin ayaa dhamaadka sanad kasta markay saacaddu gaadho 12-ka habeenimo waxay xidhaan dhar casaan ah.

Waxaana waajib ah in qof kasta halkuu doonayo ha ka yimaadee uu xidho dharkaasi isagoo weliba hor gelinaya lugtiisa midig.

Arrimahaasi waxay dhacayaan marka saacaddu ay garaacdo 12 habeenimo.  Cagaha ayaa xoog u shaqaynaya marka uu bilawdo sanadka cusubi.

 

Dalka Brazil ayaa isna xafladda sanadka cusub maalintiisa u horaysa dadku dhamaantood waxay soo xidhaan  dhar cad cad. Ujeedada ay ka leeyihiin ayaa ah inay ku fogeeyaan rooxaanta sharka badan degaamadooda.

Waxaanay  aaminsan yihiin inay ka durkaan ilaa toddoba Baddood meesha dharka cad lagu xidhay sanadkaasi. Waxa kaloo ay aaminsan yihiin inay xidhashada dharka cadi u soo jiidayso nasiib wanaagsan sanadkaasi.

Leave a Reply