Dadku Miyay Neceb Yihiin Da’da?

0
524

Laba islaamood oo da’doodu gaadhay 80 sanno oo wada sheekaysanaya ayaa idaacadda ka maqlay  in la guursaday gabadh 60 sanno jirtay taasi oo aad uga yar labadooda.

Labada islaamood midkooda ayaa la yaabtay waxa gabadha 60 sano gaadhay ku keliftay inay guursato.  Waxaana ay Islaanta ay saaxiibka yihiin ee la sheekaysanaysa weydiisay:” Walaalo, waan yaabaye horta goorma ayay Dumarku raga ka maarmaan”?.  Islaanta saaxiibadeed ahi maba qirsani inay weli da’ gaadheen labadooduba waxaana ay ugu jawaabatay “. Walaal Wakhtigaasi Allah ha ina gaadhsiiyo”. Noloshu lamaane kama maaranto inkasta oo da’ jirto.

Leave a Reply