Guddoomiyaha Wakiillada oo ka Iclaamiyey Inay Somaliland Xidhaynayso Xadkeeda oo 7km u Jira Garoowe

0
391

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in  ciidanka qaranku uu hadda ku sugan yahay Tukaraq isla markaana ay tahay dhul Somaliland oo uu joogi doono oo aanu ka soo noqonayn, laakiin uu gaadhi doono xadka labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay wadaagaan.

 

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in  maamul goboleedka  Puntland iyo dawladda Soomaaliya, ay isku bahaysteen  gardarada iyo daan-daansiga  iyo dagaalka ay kula jiraan Somaliland isla markaana dawladda Somaliland ay marar badan u dul-qaadatay xadgudubyo kaga yimmi Muqdisho iyo Garoowe taasoo ay Somaliland ku eegaysay in aanay colaad ka dhex dhicin dalalka ay deriska yihiin oo ay Soomaliyana ka mid tahay. Waxa kaloo uu intaa raaciyay in ay jireen heshiisyo badan oo ay Somaliland iyo Soomaaliya kala saxeexdeen oo ay dhammaantood ka baxday Soomaaliya oo ay ka mid yihiin heshiisyo ku saabsanaa hawadda Somaliland iyo Soomaaliya.

“Tukaraq waa Somaliland waxaanay u dhexaysa magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe,  waana badhtankii xuduudda Somaliland-na wali 50 KM oo kale ayaa ka maqan. Xadka  Somalilland 7 KM ayuu u jiraa Garoowe, markaa ciidanka qaranka oo hawshoodii wata,ayaa shalay(dorraad) lagu soo weeraray Tukaraq muddooyinkan dambena maamul goboleedka Puntland iyo dawladda Soomaaliya, waxay wadeen faro-gelin iyo dibin daabyo ay ka dhex abuurayaan labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya taasoo xaalad abuur ah oo ay doonayaan nabadgelyo darro in ay ka ridaan mandaqada Geeska Afrika,”ayuu yidhi Guddoomiye Baashe oo shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa shalay.

 

Mar uu ka  hadlayay sida ay dawladda Soomaaliya ugu xad gudubtay heshiisyadii ay Somaliland wada galeen ee aanay u qiimayn, waxa uu yidhi; “Dawladda Soomaaliya waxay caddaysay in aanay ixtiraamayn heshiiskii  hawadda ee lagu wada galay Istanbuul iyo heshiis kale oo saddex geesood ahaa oo ay wada galeen hay’adda Qarammada Midoobay ee  ICAO iyo dalalka Somaliland iyo Soomaaliya,  oo ahaa inta lagu heshiinayo hawadda in ay gacanta ku hayaan Qarammada Midoobay hawadana la qaybsado, heshiiskii  Istanbuulna isna sidaas ayuu ahaa oo lagu heshiiyay laguna kala saxeexday,imikana waxay yidhaahdeen hawaddii Soomaaliya ayaa lagu soo wareejiyay oo annaga ayaa xukumayna hawadda Somaliland taasina waa meel ka dhac qarannimada Somaliland lagu waxyeelayo.”

 

“Waxa kaloo aad ogaydeen markii lagu jiray doorashadii Somaliland in baarlamaanka Puntland in ay ka fadhisteen November 7-dii . oo ay go’aamo ka soo saareen in aanay doorashada Somaliland ka dhicin gobollada Sool,Sanaag iyo Buuhoodle, taasina waa gardaro iyo faro-galin kale in baarlamaanka Punland uu ka fadhiisto dal aanu lahayn in ay sheegtaan oo yidhaahdaan doorasho lagama qaban karo.

 

Dawladda Somaliland-na waxay mashquul ku ahayd in ay doorasho xor iyo xalaal ahi ay u qabsoonto waanay qabsoontay,meel badanna way soo weerareen laakiin Somaliland marnaba diyaar umay ahayn in ay dadka deriska ah dagaal iyo colaad ku dhex abuurto. waxaanay ku hawlaneyd arrimaha doorashada. waxaa kaloo la wada ogaa in wasiirka qorshaynta ee Soomaaliya iyo wasiirka amniga Puntland oo ay xildhibaanno Puntland iyo Soomaaliya ahi ay la socdaan in ay yimaadeen magaalooyinka  Badhan iyo Dhahar iyagoo sheeganaya in dhulkaasi uu ka mid yahay Soomaaliya. waxaas oo dhan oo is biirsaday iyo daan-daansiga joogtada ah ayay Puntland iyo Soomaaliya ku soo qaadeen Somaliland,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiilladu.

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Somaliland waxay mar walba jeceshay nabadgelyo in ay ku wada noolaadaan dalalka ay deriska yihiin,Soomaaliyana waa dad aynu walaalo nahay,Somaliland diyaar uma aha in ay dhiig faraha la gasho.Imikana ciidanka qaranka Somaliland oo shaqadoodii caadiga ahayd wata oo  dalkoodii jooga ayaa lagu soo weeraray oo lagu soo duulay. waxa kaloo taa ka horreeyay  in tiknikada madaxtooyada Puntland inay hore weerar ugu soo qaadeen degaanka Qorilay oo ay dad shacab ah ku laayeen oo ah Somaliland oo xadka u dhaw. markaa daan-daanisgaa cad baa ka socda ee ah sidii loo wiiqi lahaa qarannimada Somaliland,waxaanan u sheegaynaa Puntland haddii ay ka joogsan waydo gardarada ay ku hayso Somaliland in aan loo dul-qaadan doonin mar dambe wixii dhibaato ah ee ka dhalatanna ay masuuliyadeedda yeelan doonto, ciidanka qarankuna waxay joogaan Tukaraq waana Somaliland waanay joogayaan kamana soo noqonayaan xadka inta dhimanna waa la gaadhayaa .”

 

Ciidanka qaranka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa isniintii toddobaadkan la wareegay maamulka iyo gacan ku haynta magaalada Tuka-raq, waxaana tallaabadaasi ay cabsi ku abuurtay maamul-goboleedka Puntland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply