Maxkamadda Hargeysa oo Xukuntay Dhallinyaro Dhacday Sawir Qaade Reer Japan ah

0
429

Hargeysa(Dawan)- Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex,  ayaa shalay  laba sannadood iyo sagaal bilood oo xadhig ah ku riday afar dhallinyaro ah oo dhac u geystay nin sawir qaade ah oo u dhashay dalka Japan. Dhallinyaradan oo maxkamadda horteeda ka qirtay fal-dambiyeedka waxa kaloo  lagu xukumay in ay soo celiyaan lacag 5000 kun oo Dollar  oo ay ka dhaceen sawir qaadahan.

Sawir qaadahan oo lagu magacaabo Kazawa Taichi, ahna sawir qaade dhinaca farshaxanka ah (Photo Artist), isla markaana dalka ku soo galay ruqsad sharci ah,  24-kii December 2017, abaaro labadii saac ee gelinkii dambe ayey saddex dhallinyaro ahi ka heleen Degmada Koodbuur ee Hargeysa, waxaanay ka qaadeen lacag dhan 5000 kun oo Doollar, Baasaboorkii, Lens-ka Kamaradda  iyo Hard disk.

 

Dhallinyaradan saddexda ahaa, ayaa markii ay la kulmeen ninkan waxay markii hore ka codsadeen inuu sawir ka qaado laba ka mid ah, balse kii saddexaad ayaa xagga danbe kaga yimmi, kadibna shandad uu ninkaasi dhabarka ku sitay ayuu kala baxay lacag dhan 5000 kun oo Dollar iyo alaabta kale, ka dibna sidaa ayey ku baxsadeen.

 

Nin Somalilander ah ayaa soo kaxeeyey oo keenay Saldhiga Koodbuur, Booliiska Kodbuur inkasta oo ay gurmad galeen  kumay guulaysan soo qabashada dhallinyaradii falkan geysatay, hase ahaatee ciidanka CID-da oo kiiskiisa loo wareejiyey ayaa soo qabtay saddexdiiba, maadaama horeba Booliiska Koodbuur u aqoonsadeen, isla markaana laba ka mid ah ay ka soo baxeen Kamaradii sawir qaadaha la dhacay. Saddexdan dhallinyarada ahi isla markiiba lacagtii ay dhaceen waxay ku iibsadeen gaadhi, isagana waa la qabtay.

Sidoo kale waxay soo celiyeen Lens-kii Kamarada, halka Basaboorkii oo uu  qaaday wiil afraad oo la kulmay markay lacagta dhacayeen, kaas oo ay siiyeen 300 boqol oo Dollar, isla markaana ay ku yidhaahdeen noo hay Basaboorka, oo isagana  ay  markii danbe  Booliisku soo xidheen.

 

Saddexdii dhallinyarada ahaa ee dhaca geystay waxa midkiiba lagu xukumay laba sanno iyo in ay celiyaan lacag dhan 4700 (afar kun iyo toddoba boqol oo Dollar) oo si siman loogu qaybiyey bixinteeda. Halka wiilka afraad ee ay Basaboorka ay u dhiibeen, isla markaana lacagta wax ka siiyeen, lagu xukumay sagaal billood oo xadhig ah iyo inuu soo celiyo qaybtii ka soo gaadhay lacagtii la dhacay oo dhan 300 boqol oo Dollar.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply