Qisada : Naxdin Ayuu Fikirkiisu Geliyay!

0
663

Isaga oo jooga xafiiskiisa oo ku yaalla dabaqa sare, oo aad u fikiraya isla markaana isla maqan ayuu nin ordayaa u soo galay, kaasi oo qaylinayay, waxaana uu ku yidhi “Waar yaa Cali , inankaagii Yuusuf shil gaadhi ayuu galay, isla goobtiina wuu ku dhintay”.  Ninkii isaga oo aad u naxsan ayuu si orod ah uga soo dhaadhacay dabaqii sare.

Markii uu meel dhexe marayo ayuu ogaaday inuu fuushanaa dabaqa 10aad oo ahayd inuu wiishka soo raaco. Isagoo weli ordaya ayuu haddana xusuustay in aanay caruurtiisa kuba jirin wiil la yidhaa magaca Yuusuf.

Muddo yar isaga oo weli degdeg ku jira ayuu haddana ogaaday in aan isaga xataa magaciisa laba odhan Cali, oo magaca uu ninku ugu yeedhayay ah. Mar danbe ayuu ogaaday in ninka warka loo sheegayay aanu isaga ahayn ee ninka fariinta keenay uu ku khalday xafiis kale.

Fikirka faraha badani wuxuu sababi karaa inaad naxdin u dhimato, markaa weligaa aduunayada iyo fikirkeeda ha isku sii dayn, u xalil dhib kasta sida ugu sahlan.

Leave a Reply