Shir Lagu Darsayo inay Somaliland Beerato Cunto ku Filan oo ka Furmay Hargeysa

0
369

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Muumin Seed,  ayaa magaaladda Hargeysa ka furay kulan wada tashi ah oo ku saabsan sidii Somaliland xagga cuntada iskaga filaan lahayd.

Kulankaas oo ay ka qaybgaleen aqoon-yahanno ku xeel dheer cilmiga beeraha,  ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana lagu lafo-guri doonaa sidii cunto yaraanta dalka ka jirta xal cilmiyaysan loogu heli lahaa.

 

Wasiirka Beeraha Md. Axmed Muumin Seed, ayaa sheegay in Somaliland haysato fursad ay kula soo baxdo cunto ku filan, waxaanu yidh; “Balan-qaadyadii xisbiga Kulmiye iyo barnaamij siyaasadeedkiisiiba, waxay ku soo uruurayeen ama uu u badnaa in dalkani u baahan yahay cunto ku filan.Marka la rabo in dalkeenna aynu u soo saarno cunto ku filan, waxa loo baahan yahay dhawr shay oo ay ugu muhiimsan yihiin nabadgelyada, dhulkii wax laga beeri lahaa iyo  biyihii ama roobkii. Innagu Ilaahay mahadii intaasba waynu haysanaa.”

 

Wasiir Seed wuxuu intaas ku daray; “Adduunka waxa jira waddamo uu roobki maalin kaliya sannadkii helo, oo haddana maalintaas ka faa’iidaysta oo   wax kala soo baxa. Innagana roobka inoo da’aa waxa uu innaga galaa baddaha, oo wax soo-saar kama samaysanno. Dalkeenna xataa tamaandhada aynu wax ku karsannaa waxay inooga timaadaa waddamada dibadda. Markaa is waydiintu waxay tahay maxaynu ula soo bixi waynay cunto inagu filan.”

 

“Waxaan isugu kiin yeedhay oo aan idinku tuhmay in aad aqoon u leedihiin arrimaha beeraha, markaa muddada uu kulankaasi inoo socdo waxa la innaga rabaa inaynu soo saarno qorshihii lagu gaadhi lahaa sidii dalkeenu u heli lahaa cunto ku filan,” ayuu yidhi Wasiirka Beeruhu.

Kulankan ayaa waxa uu noqonayaa kii igu horreeyay ee ku saabsan sidii dalkeenu xagga cuntada iskaga filnaan lahaa ee loo qabto aqoon yahannada beeraha intii xukuumadda cusubi jirtay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply