Congress-ka Maraykanka Oo Taleefannada Shirkadda Huawei Cabsi Ka Muujiyey.

0
764

Sida lagu daabacay wargeyska  New York Times shirkadda  AT & T ayaa joojisay iibinta taleefanadeeda cusub ee Mate 10, kuwas oo la filaayey inay dhowaan suuqyadda Maraykanka soo galaan.

Shirkadda ayaa la sheegay inay u joojisay iibka taleefanadaasi  arrimo dhinaca amaanka ah awgeed, sida lagu sheegay warbixin shalay lagu daabacay wargeyskaasi New York Times oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan , waxa kale oo la xanibay iibka taleefannadda shirkadda  Huawei , kuwaas oo la filaayey in loo iib geeyo wadanka Maraykanka, ka hor inta aanay heshiis la gelin AT& T iyo  shirkadan Huawei  oo laga lee yahay wadanka Chine  oo taleefannada iyaduna soo saarta.

Xubno kamid ah Golaha Congress-ka ayaa warqad u diray  hay’adda FCC, taas oo ay ku sheegayaan in ay uga shakisan yihiin inay shirkadda Huawei  samaynayso basaasnimo , iyada oo ay socdaan heshiis ay wada geli doonaan shirkaddaasi iyo shirkadda AT&T oo laga lee yahay dalkaasi Maraykanka.

Xubno kamid ah Congress-ka ayaa sidoo kale hay’adda Sirdoonka Maraykanka ka codsaday inay baadhaan xidhiidhka ka dhexeeya qaybaha basaasnimada dalka Chine  iyo shirkadda Huawei, taas oo meesha ka saartay taleefano ay suuqyada Maraykanka u soo wada iib geyn lahaayeen shirkaddaasi iyo shirkadda AT&T.

Leave a Reply