Xukuumadda Cusub oo Diyaarinaysa Miisaaniyad Nooceedu ku Cusub Yahay Dalka

0
524

Hargaysa(Dawan)- Guddoomiyaha Gudida ilaalinta iyo dabo-galka hantida qaranka ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland mudane Naasir Cali Shire, ayaa  ka hadlay wakhtiga xukuumaddu golaha hor keenayso odoroska miisaaniyadda qaranka ee sannadka 2018-ka.

Xildhibaan Naasir oo warbaahinta la hadlay ayaa  sheegay in golahooda  miisaaniyadda xukuumadda loo soo gudbin doono dabayaaqada bishan January, waxaana uu tilmaamay in  xukuumaddu wax ka beddel ku samayn doonto qaabkii hore ee loo dejin jiray miisaaniyad sannadeedka.

 

“Miisaaniyadu laba qaybood ayay u qeybsantaa, marka aan la samayn miisaaniyadda odoreeskeeda waxa iska leh guddida dhaqaalaha, marka miisaaniyada la ansixiyana dabogalkeeda, waxa iska leh guddida ilaalinta iyo dabogalka hantida qaranka, xukuumaddu waa ka baaraan degaysaa miisaaniyada sannadka 2018-ka, wax ka beddelna way ku samaynaysaa oo qaabkii hore, ku degdagi mayso in golaha wakiillada  la hor keento, waxaana ay noo ballan qaadeen wasaaradda maaliyaddu in golaha wakiillada ay  u soo gudbin  doonaan    miisaaniyadda 2018-ka  dhammaadka bishan January,” ayuu yidhi Xildhibaan Naasir.

 

Sidoo Xildhibaanku waxa  kaloo uu soo dhaweeyay go’aan xukuumadda ka soo baxay oo la xidhiidhay xayiraada dhulka Raasiga Dekedda Berbera, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha waan ku hambalyaynaynaa xayiraada uu saaray dhulka raasiga ee dekedda Berbera  iyo  tallaabooyinkaa uu qaaday, waanan soo dhawaynaynaa, horana waa looga hadlay khatarta uu dekedda u keeni karo bixinta dhulka raasigu, waana tallaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply