Xukuumadda Somaliland oo Dejisay Qorshe Sare Loogu Qaadayo Wax-soosaarka iyo Isku Filaansho Cuntada

0
555

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda cusub ay ka go’an tahay  sidii dalku u gaadhi  lahaa isku filaanshiiyo  dhinaca wax-soo-saarka cuntada ah.

Md.C/raxmaan Saylici, waxa uu sheegay  in ay muhiimadda kowaad siinayaan mid dhaqaale, mid aqooneed iyo miisaaniyadda dawladaba sidii loo dhiiri gelin lahaa wax-soo-saarka dalka, isla markaana loo fulin lahaa mashaariic horumarineed.

Madaxweyne ku-xigeenku, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu   Khamiistii  ka jeediyay  gebagabadii  shir  muddo saddex maalmood ah  xarunta wasaaradda horumarinta beeraha uga socday aqoon yahannada  ku takhasusay arrimaha beeraha  oo ay kaga arrinsanayeen sidii dalku u gaadhi lahaa  isku filnaansho  dhinaca cuntadda ah.

“In maanta dalku wax-soo-saarkii iyo siduu isugu filaan lahaa   uu gaadho diyaar ayaanu u nahay. Go’aanka ka soo baxay shirkanna  in aan fulino kolba itaalkeennu intuu ina gaadhsiiyo, oo maanta muhiimad gaara la siiyo wax-soo-saarka, haddii ay miisaaniyadda tahay, haddii ay fikir tahay iyo haddii ay dhaqaale tahayba, in aan hay’adaha wax-soo-saarka awoodda saarno, way naga go’an tahay,”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Wax la taliyeyaal la yidhaahdo ayaa dalka ka abuurmay, taliyeyaasha la sheego ee wasaaradaha iyo madaxweynaha isku wada geeyoo, waxay noqotay wax qofka lagu yara naas-nuujinayo uun. La taliyihii rasmiga ahaa ee wax ina tarayay ama wasiirka ama madaxweynaha la taliyaha u ah, waa in uu noqdo nin wax ku kordhinaya.  Laakiin imika waxay innaga noqotay, laba la taliye ama saddex la taliye oo wasiirku iska qoranayo, oo laba ilma-adeeradii ah,  oo uu qaab caddaalad darro ah uu ku naas-nuujinayo.”

Shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta beeraha waxaa  ka soo qaybgalay  aqoon yahanno dhinaca arrimaha beeraha ah iyo khubarro uu ka mid ahaa guddoomiyaha  guddi-hoosaadka khayraadka dabiiciga ah ee  golaha Wakiillada xildhibaan Siciid Warsame Gaanni. Waxaana gebagabadii kulankaasi laga soo saaray  qodobbo ay iskula qaateen dhinacayadaasi muddadii uu socday  kaasoo  la xidhiidhay waxyaaba u baahan in wax laga qabto qorshaha dhaw iyo   qorshaha fog.

Sidoo kale Prof. Axmed  Cilmi Geedi,  oo ka mid ahaa aqoonyahannadii dhinaca beeraha ee kulankaasi ka qayb galay ayaa gebagabdii kulankaasi ka akhriyay qodobbo laga soo saaray, waxaanu yidhi “In la sameeyo wacyigelin dhinac walba ah. In  la asteeyo dhulka ku haboon wax-soo-saarka gobol walba oo dalka ka mid ah. In wasaaradu dejiso, ansixiso  qorshaha iyo nidaamka dhaw  ee beerashadda.Dhammaan hay’adaha iyo cidda ku hawlan  ka shaqaynta beeraha in ay raacaan qorshaha dhaw ee wax-soo-saarka, soona gudbiyaan  qorshahooda dhaw  ee wax-qabadka  ee sannadka. Wasaaradda horumarinta beeruhu waa in ay ku lamaanaysaa hay’adaha qof ka socda wasaaradda beeraha. Waa in wasaaradu xoojiso  xoojiso xiddhiidhka wada shaqaynta goboladda beeralayda, lanna xoojiyo awoodda  xafiisyadda wasaaradda ee heer gobol iyo heer  degmo. In la sameeyo biyo-joojin xoogan. In lagu dhiiri geliyo ganacsatadda meelgashiga wax-soo-saarka beeraha ah.”

Geesta kale wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed,  ayaa ka waramay  sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho cuntadda ah, waxaanu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in   wax lala  soo baxo.   “Dalkiibaynu haysanaa, dalkiibaynu haysanaa.  Markaa  maxaa innaga hortaagan in aynu dalkeenna wax kala soo baxno. Khubarradan,   oo isaga kala yimid gobollada dalka oo dhan markaanu kulamo badan samaynay oo gelinka dambe oo aanu wasaaradda ku shaqayno,  waxay ka gayoon wayday inay khubaradani isku timaado,”ayuu yidhi Wasiir Seed.

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Waxaan dareemayaa oo aan ka wasaarad ahaan dareemayaa,  shacabka Somaliland-na dareemayaan in wax soo saarka dalkeenu hooseeyo.  Maxaa  hooseysiiyey ayaa la is waydiiyay?, halka-na waxa ka soo baxay qodobbo dhawr ah oo  qaarna ay ahaayeen qaar yaalay,  qaar cusubina way ku jiraan.Wasaaradda  waxa jooga dad wanaagsan oo u baahan in laga shaqaysiiyo,   inta wasaaradda dibada ka joogtayna noqon mayso.  Waxaananu  isku dayi doonaa in aanu kulamada noocan oo kale ah xoojin doono bilena ka dhigno.”

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta beeraha Maxamed Cilmi Aadan,  oo isna xidhitaanka shirkaasi hadal ka jeediyey  ayaa  tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in lagu dedaallo sidii xooga loo saari lahaa wax soo saarka gudaha, isla markaana looga shaqaysiin lahaa dadka aqoonta u leh arrimaha beeraha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply