Dahab Qiimihiisu Qaali Yahay oo La Xaday, Lana Raadinayo

0
4100

Waxa ilaa hadda la raadinayaa dahab noociisu qaali yahay, kaas oo lagu xaday magaaladda Paris ee caasimadda dalkaasi Faransiiska, waxaana baadhitaanka ka qayb qaadanaya ciidamada Booliska Faransiiska iyo ciidammada Sirdoonka ee dalkaasi.

Ciidamada ayaa baadi goob ugu jira tuugta xadday  dahabkaasi , iyada oo laga xaday dukaankii lagu iibinaayey, sida lagu daabacay wargeyska Le Monde ee kasoo baxa wadankaasi Faransiiska, iyada oo uu dahabkaasi yahay mid aad u qaaliya.

Dahabkan la xaday ee la baadi goobaayo tuugtii xaday waxa uu qiimihiisu joogaa lacag dhan ilaa 3.5 million oo lacagta Giniga ah, waana dahab aad u qaaliya marka la eegaayo xadiga lacagtaasi uu ku taagan yahay dahabkaasi.

Dahabkan ayaa laga xaday dukaankii lagu iibinaayey kadib markii ay shan nin oo tuug ahi  galeen dukaankaasi lagu iibinaayey dahabkaasi , waxaanay nimankaasi ku hubaysnaayeen  Faashash kala duwan , iyaga oo markiiba jebiyey  dukaankii uu dahabkaasi yaaley .

Dukaankan ayaa ku yaaley  mid kamid ah dhismeyaasha ugu caansan magaalada Paris oo lagu magcaabo Ritz, kaas oo qaybo kamid ahi uu yahay Hudheel la seexdo iyo mid laga cunteeyoba.

Ciidamada Booliska ee magaalada Paris oo shir jaraa’id qabtay ayaa iyaguna sheegay in ay qabteen saddex nin oo kamid ah raggaasi, kuwaas  oo kamid ah raggi qaatay dahabkii, waxaana la raadinayaa laba kale oo kamid ah raggaasi .

Ciidamadu may sheegin inay heleen dahabkaasi la qaatay ama la xaday , waxa sidoo kale la adkeeyey amaanka dukaankaasi  iyo hotelka uu ku dhexyaaloba.

Leave a Reply