Daraasad Haweenka uga Digtay inay Qabatimaan Cuntooyinka Qaarkood

0
870

Daraasad cusub oo dhinaca caafimaadka ah oo ay dhowaan soo saareen khubarro Maraykan ah ayaa lagaga digay cuntooyinka qaarkood, iyada oo cuntooyinkaasi si gaar ah loogaga digay haweenka.

Haweenka  ayaa la sheegay in ay cuntooyinkan si fudud uga qaadaan xannuunka Cancer-ka , gaar ahaana Kansarka ku dhaca Naasaha. waxa kaloo  iyagana looga digay inay cuntadaasi cunaan dumarka xannuunkaasi qaba.

Khubarrada  daraasadan samaysay,  ayaa sheegtay in maadooyin ku jira cuntadan  oo ay kamid tahay maaddada loo yaqaanno  Estrogen-tu ay ku samayso Naaska guntimo yar yar oo dhiig ah, taas oo ka dhigi karta Kansar.

Sidoo kale dumarka xanuunkan  la nool,  ayaa si adag loogaga digay inay cuntadan oo ay ka mid yihiin Fuulka, Lawskuba ay cunaan , waxaanay khubarradu  sabab uga dhigeen in maaddadan ku jirta cuntadaas ee Estrogen-tu  leedahay awood ay kula dagaalami karto dawooyinka ay dumarkaasi qaataan.

In ka badan 200,000 oo haweenka  Maraykanka  ah  ayaa la nool xanuunka Kansarka Naaska ku dhaca, waxaanay khubarradu  iftiimiyeen in 65%  haweenkaas  kamid ahi  ay dawadii ka hor istaagtey  maaddada Estrogen-tu, taas oo keentay in aanay dawaddu sideedii u gaadhin.

Xannuunka Kansarka Naasaha ee haweenka ku dhaca,  ayaa lagu daweeyaa dawooyin dhir laga sameeyey iyo dawo kale oo lagaga hor tago maaddadaasi Estrogen-ta, kuwaas oo ka hortaga inuu koro ama fido xannuunka unugyadiisu, sida lagu daabacay Wargeyska Daily Mail oo uu Wargeyska Dawan qormadan kasoo xigtay.

Xeel-dheereyaasha daraasadan sameeyay oo ka tirsan  jaamacadda Maraykanka ku taalla  Scripps University  oo ku taalla  California qaybteeda Caafimaadka, ayaa natiijadii darasadoodan kula taliyey haweenka  inay iska ilaaliyaan isticmaalka badan ee cuntadaasi, iyaga oo si gaar ahna ugu digay dumarka la nool Kansarka  Naasaha ku dhaca.

Leave a Reply