Golaha Wakiillada oo Aqlabiyad ku Ansixiyey Dufcadii Labaad ee Wasiirrada

0
443

Hargeysa(Dawan)– Xildhibaannada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fadhigoodii shalay waxay ku ansixiyeen 9 Wasiir iyo laba Wasiir ku-xigeen oo ah hormadii labaad ee golaha wasiirradda ee xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Fadhigan oo uu guddoominayay Guddoomiyaha aqalkaas, Md. Baashe Maxamed Faarax, waxa madashaas ka soo xaadiray 59 xubnood  oo ka mid ah 83ka xildhibaan ee goluhu ka kooban yahay.

 

 

Magacyada sagaalkii wasiir iyo labadii wasiir ku xigeen ee goluhu ansixiyey waxa loogu kala codeeyay sidan:-

 

 

  1. Wasiirka Gaashaan-dhigga, Md. Ciise Axmed Yuusuf, waxa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin, gudoomiyuhuna muu codayn. sidaas ayaanu ku ansaxay.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin, gudoomiyuhuna muu codayn. Sidaas ayaanu ku ansaxay.
  3. Wasiirka Horumarinta Maalgashiga, Md.Maxamed Axmed Maxamuud, waxa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin.
  4. Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Md.Maxamed Xaaji Aadan, waxa u coddeeyay 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin, waanu ansaxay.
  5. Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), waxa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kamay aamusin, Sidaas ayaanuu  ku ansaxay.
  6. Wasiirka Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacy’galinta, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), waxa u coddeeyay 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin, gudoomiyuhuna muu codayn. Waanu ansaxay.
  7. Wasiirka Macdanta iyo Tamarta,Md. Jaamac Maxmuud Cigaal, waxa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin.
  8. Wasiirka  Degaanka iyo Horumarinta Reer miyiga, Marwo  Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin, sidaas ayaanay ku ansaxday.
  9. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Boos Mirre Maxamuud, waxa ogolaaday 58 xildhibaan, cid diiday ma jirin, cidna kama aamusin, waanu ansaxay.

 

 

Fadhiganw waxa kale oo lagu ansixiyay laba Wasiir ku-xigeen oo kala ahaa, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha,  Maxamed Muuse Diiriye iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Maxamed Daahir Axmed.

 

Waxa shirgudoonku golaha ku wargeliyeen in hormada saddexaadna goluhu maanta oo Isniin ah u codayn doonaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply