Guddoomiyaha Sool oo ka Hadlay Colaad ay Dawladda Muqdisho ka Wado Xadka ay la Wadaagto Somaliland

0
441

Laascaanood(Dawan)- Guddoomiyaha Gobolka Sool,  Cabdi Khayre Dirir oo shalay shirjaraa’id ku qabtay xafiiska, ayaa hadlay xiisadda colaadeed ee maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ay ka wadaan jiida Tuka-raq ee gobolka Sool.

Waxa kaloo uu caddeeyey in Puntland oo garab ka helaysa dawladda Muqdisho ay ciidammo soo dhoobayaan xadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Waxaa jirtay in maamulka Puntland  uu ka geystey xasuuq, duullaan gardarro ah, iyo dhul ballaadhsi ay ku wadaan shacabkayaga iyo degaannada Sool iyo Sanaag  bari mar kasta, mana aha mid aanu  faraha kala laaban doono dhaqdhaqaaqa uu maamulkaas Puntland ka wado deegaannadayada, waana mid aanu arkayno farogelinta dawladda Soomaaliya ay ciidammadeedu ka  wadaan halkaas,  kuwaas oo lagu soo daad-guranayo deegaannada Gobolka Sool, iyaga oo Puntland la safan.”

“Xaaladda degmada Tukaraq ee ay dhawaan la wareegeen ciidammada qaranka Somaliland, horena ay ugu sugnaan jireen maleeshiyaadka maamulka Puntland ka amar qaataa,  waxay ahayd waajib dastuuri ah, waana mid degan xaaladda degaankaasi hadda, waana nabadgelyo, xukuumadda Somaliland ee dhawaan gaadhayna si habsami ah ayay uga shaqo bilowday haddii ay tahay maamul fidin  iyo xaga kastamada maaliyadaba,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Guddoomiye Cabdi Khayre waxa uu dawladda Soomaaliya ku eedeeyay inay ku soo xudgudubtay dhulka Somaliland markii uu Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Booqasho ku tagay degaanno ka tirsan Badhan iyo Sool, waxaanu xukuumadda cusub ee Somaliland ku bogaadiyey inay qaaday tallaabo ay adkaysanayso xuduudaheeda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply