Guddoomiyaha UCID oo si Qiiro Leh uga Hadlay Wiil uu Dhalay oo ku Dhintay Dagaalka Suuriya

0
382

Hargaysa (Dawan)- Wiil uu dhalay  guddoomiyaha xisbiga  mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dabayaaqadii bishii December ee sannadkii tegay lagu dilay dalka Suuriya, isagoo ka mid ahaa dhallinyaro ka tagay qurbaha  oo ka barbar dagaalamayay kooxda ISIS.

Sayid Xuseen Faysal Cali, ayaa dalka Suuriya tegay sannadkii 2013-kii, kadib markii la duufsaday oo warbixin khaldan la siiyay. Waxaanu ku dhashay dalka Finland sannadkii 1994-kii, oo uu ku noolaa. Markii uu Suuirya tegay waxa la socotay xaaskiisa oo Finland ka raacday. Waxa     laba hablood  ugu dhasheen muddadii uu joogay   Suuriya.

Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  sheegay in xaaska uu wiilkiisu qabay ay u soo xaqiijisay geeridiisa, laba  maalmood ka hor in uu ku  dhintay weerarro dhinaa cirka ah oo meel dalka Suuriya ka mid ah oo uu ku sugnaa.

“Xaaskiisa oo la joogtay iyo laba caruur ah  oo   ugu dhashay intii uu Suuriya joogay.   Markaa  shalay (doraad) ayay  xaaskiisii u soo dirtay hooyadii muuqaal  kooban (clip) oo ay leedahay  wuxuu  geeriyooday bishii December 29-keedii. Sidaas ayaanu ku helnay warkaasi,  oo xaaskiisii  ayaa noo soo sheegtay,”ayuu yidhi Guddoomiye Faysal oo shalay u waramay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Waxa kaloo uu ka sheekeeyay asbaabihii u weynaa lagu geeyey Suuriya,  waxaanu yidhi;  “Sayid Xuseen, ayaa magaciisa la odhan jiray sannadkii 1994-kii ayuu ku dhashay dalka Finland, halkaas ayaanu ku barbaaray.  Kadib-na halkaas ayay jibadaasi ka qaadatay, madaxweynaha Suuriya siduu dadkiisa shacabka ah u laynayay ayaa warbixinno  la buun-buuniyay ka soo gaadheen, oo la leeyahay madaxweynaha Suuriya waa gaal oo dadkii muslinka ahaa ayuu si xun u laynayaa, markaa dhallinyaradii jibootay ayuu ka mid ahaa.”

 

“ISIS way ugu timid meesha, laakiin isagu markii hore wuxuu ka mid ahaa dadkii muhaajiriinta ahaa xiligaa Suuriya u tegay in ay mucaaridka u dagaalamaan. Intii uu meesha joogay ayay  dhalatay kooxda ISIS, sannadkii 2013-kii ayuu ku biiray. Markii hore wuxuu ka mid ahaa dadkii ajaanibta ahaa ee Suuriya u  jihaad tegay,” ayuu yidhi

Waxa kaloo uu si qiiro leh uga hadlay sida uu danaha Somaliland ugu iloobay korintii wiilkan ka geeriyooday, waxaanu yidhi; “Aniga markii horeba xidhiidhkayagu muu wanaagsanayn,  oo 1994-kii ayuu dhashay, anigu-na 1992-kii ayaan dalka Finland ka imid oo aan arrimaha siyaasadda Somaliland  galay. Waxyaabaha aan iska saaro dhibaatadiisa waxa weeyi in aan baylihiyay  kaalintii aabonimadii, oo aan iskaga imid. Laakiin hooyadii ayuu xidhiidh la lahaa, oo markii u danbaysay ee uu la soo hadlo waxay ahayd bishii hore 25-keedii.”

 

Geesta kale guddoomiyaha UCID oo la waydiiyay in uu dawladda Finland wax xidhiidh ah kala sameeyay geerida wiilkiisa, maadaama oo uu  haystay dhalashada dalkaasi, waxa uu ku wajaabay;  “Maya wax xidhiidh ah kalamaan yeelan.  Laakiin,  dawladda Finland berigii uu baxayay ayaan u sheegay in uu jibaysan yahay oo baasaaboorka oo ka dhacayay aan loo cusboonaysiinin,  waxaanay yidhaahdeen annaga denbi nagamuu gelin,  qofku-na xaq ayuu u leeyahay in marka uu 18 jir gaadho in baasaaboorkiisa la siiyo.

Dawladda Finland lafteedda wax baan ka saarayaa, sidaan aniguba naftayda wax uga saarayo in aan baylihiyay, ee aan 1992-kii uga imid. Iyagana waxaan ku idhi joojiya  markii uu baxayay, manay yeelin. Ila hadda lamaan xidhiidhin dawladda Finland, shalay (doraad) ayuunbay geeridu dhacday. Laakiin hooyadii ayaa xagga Finland joogta, waxaanan filayaa in hooyadii la xidhiidhi doonto dawladda Finland.”

Eng. Faysal wuxuu intaas ku daray  in aanay ilaa hadda si cad u ogayn xaaladda ay ku sugan yihiin xaaskii uu wiilkiisu ka dhintay iyo labadii caruur ahaa ee uu dhalay iyo  dhab ahaan sida ay u dhacday dhimashadda wiilkiisu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply