Ruushka oo Sameeyey Diyaarad aad uga Weyn Kuwii Hore

0
1005

Shirkadda Diyaaraddaha ee Russian Plane,  ayaa markii ugu horreysay isticmaalaysa diyaarad cusub oo aad uga weyn kuwii ay hore u isticmaali jirtay, waxaana diyaaraddani noqonaysaa MC-21.

Diyaaraddan oo hore loo bilaabay samaynteeda waxa la filayaa in ay dulimaadkeeda ugu horeeya samayso  sannadka soo socda ee 2019, sida uu ku dhawaaqay  ku xigeenka Ra’isal wasaaraha  dalkaasi Ruushka Dmitry Rogozin oo u waramaayey wargeyska Moscow Times ee dalkaasi kasoo baxa oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan.

“waxaanu hore ugu guulaysanay  in aanu samayno diyaaradda Russian MC-211-300 , iyada oo dhowaan samaysay duulimaadkeedii 33-naad , waxaanaanu hadda wadnaa samaynta diyaarad kale oo aad uga weyn diyaaraddaha hadda la isticmaalo, laguna magcaabo MC 21 “. Ayuu yidhi Mr  Dmitry Rogozin.

Isaga oo Ra’isal wasaare ku xigeenka labaad ee Ruushku ka hadlaayey arrintaasi waxa uu yidhi “ waxa diyaaradda cusub la tijaabin doonaa  bisha February ilaa horaanta bisha March ee sannadkan cusub ee 2018-ka , iyada oo ay duulimaadyadeedana si caadi ah u bilaabi doonta sannadka 2019-ka “.

Diyaaraddan M-21 Waxa dhismeheeda waday in muddo ahba shirkadda Union iskaashatada la yidhaahdo ee ay ku kulmaan wershaddaha soo saara diyaaradaha wadanka Ruushka, waxaanay awood u lee dahay diyaaraddani inay qaado rakaab gaadhaaya ilaa 163 ilaa 111 qof, waxa kale oo iyadana la wadaa diyaarad kale oo loogu talo galay inay qaado 250 oo rakaab ah .

Noocii ka horeysay noocan iminka la sameeyey oo lagu magcaabi jiray MC-211-300 ayaa ahayd mid ka koobnayd diyaaraddan hadda la sameeyey, taas oo qaadi jirtay rakaab dhan 132 ilaa 165 rakaab ah, kuwaas u kala gooshi jiray adduunka iyo dalkaasi gudihiisaba.

Leave a Reply