‘Magaalooyinka Garoowe iyo Laascaanood-na Mid baa Laga Qixi’ Wasiirka Biyaha

0
420

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe mid ahaan laga qaxi doono, haddii maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya joojin waydo abaabulka iyo daan-daansiga ay ka wado xuduudaha Somaliland.

 

 

 

Wasiir Saleebaan  oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa tilmaamay in qaranka Somaliland aanu cidna duulaan ku ahayn, waxaanu ku dooday in ciidanka qaranku tallaabo adag ka qaadayaan ciddii isku dayda in ay soo faro-geliso xuduudaha dalka.

 

 

“Waxa muuqata in maamulka Soomaaliya ay dhibaato ka wadaan xuduudaha Somaliland, waxaanay dhibaatadaas u samaynayaan in ay ku xaliyaan khilaafka gudahooda ka jira, noqoto mid Xamar ka socda ama ha noqoto mid Garoowe ka jiree oo la rabo in lagu jaahwareeriyo dadka Soomaaliya oo ay ku rabaan in muddada xilka loo kordhiyo, waxaan leeyahay qarankani wuu isku filan yahay in uu xuduudihiisa gaadho.

Dhib ma wadno haddaanu nahay Somaliland, laba uun ayay taagan tahay Laascaanood iyo Garoowe mid uun baa laga qaxi doonaa haddii aad sii wadaan dagaalka iyo abaabulka iyo reer hebel-nimada. reer hebel cid aanu la nahayna ma jirto ee Somaliland ayaanu nahay, awoowgay Koore ayaa sameeyay xuduudka aanu la leenahay Soomaaliya boqol iyo toban sannadood ka hor, nin beesha dhexe ahina ma samayn, Ingiriisna ma samayn,” ayuu yidhi wasiirka biyuhu.

 

Wasiirku waxa kaloo uu intaas ku daray; “Dadka degaanka aan ka soo jeedaanna waxaan leeyahay wakhtigii cudhaadha la idin haysan lahaa waad dhaafteen, waxaana dadkaasi u codeeyeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, reer Garoowe waxaan leeyahay dhibta joojiya, xukuumadda Somaliland Garoowe uma soo socoto, meeshii madaxweynaha looga codeeyayna ciidanka Somaliland wuu tagayaa, cid aanu u daba fadhiisanaynaa ma jirto, cidda dhulkaa gacanta ku haysa waa la ogyahay.”

 

Saleebaan Koore waxa uu amaan u jeediyay ciidammada qaranka Somaliland iyo bulshada degaannada gobolka Sool ee ka qaybqaatay arrimaha nabadgelyada, waxaaanu yidhi;  “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dadka nabada ka qaybqaatay, ciidanka qaranka Somaliland waa mid u diyaara in ay sugaan xuduudaha aanu la leenahay waddamada Afrika.”

 

“Macno wayn samayn mayso ninka Garoowe jooga ee ka soo jeeda degaankayaga ee ninka dalka xukuma ayuun baa wax la waydiinayaa, waxaan leeyahay ciidanku nabad ayuu ku tagayaa xuduudaha Somaliland, cid uu duulaan ku yahayna ma jirto cid uu dhib u gaystayna ciidanka qaranku lama sheegin. ciidanku tallaabo ayuu ka qaadayaa haddii duulaan lagu yahay naftiisa iyo qalabkiisa, nabad ayay ku joogayaan ciidanku degaanka uu maanta joogo,”ayuu yidhi wasiir Saleebaan Cali Koore.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply