Shirkadda Australian ah oo Somaliland ka Bilaabaysa Mashruuc Cadceeda Lagaga Dhalinayo Milix

0
385

Perth(Dawan)- Mashruuca ugu ballaadhan adduunka ee hannaanka tamarta Cadceeda lagu soo saaro Milixda,  ayaa koox ganacsato ah oo dhashay dalka Australia  ay ka fulin doonaan magaalo xeebeeda  Berbera ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan oo shalay lagu baahiyey Wargeyska The Australian, qeybtiisa ganacsiga, ayaa lagu shaaciyey in shirkadda Salternas Pvt,  heshay ogolaanshaha inay mashruuc soo saarista milixda ah ka fuliso Somaliland, xilliganna diyaarinaaan dhaqaalahii ku bixi lahaa. Mashruucaas.

 

Sahamin hordhaca ah oo laga diyaariyey mashruucan, ayaa lagu sheegay inay sannadkii la soo saari karo Milix qiyaasteedu gaadhayso 10 milyan oo  Ton. Sida lagu caddeeyay  macluumaad laga helay  Salternas, shirkadda ayaa heshay heshiis 25 sannadood lagu siiyey dhul cabirkiisu gaadhayo  150sq km oo degaanka xeebta.

Mashruucan oo lagu wado in bilowgiisa  lagu maalgeliyo dhaqaale lagu qadaray S110 ilaa ilaa $190 Milyan (Boqol iyo toban Milyan oo doolar ilaa Boqol iyo Sagaashan milyan oo doolar), ayaa Gudoomiyaha shirkadaas  Mr. Roberts sheegay inuu rajaynayo in bulshada Somaliland ka heli doonaan  faa’iidooyin badan.

“Waxaan filayaa in la heli doono dad ila mid ah oo noloshooda doonaya inay wax ku kordhiyaan bulshooyinka Afrika,” ayuu Mr Roberts u sheegay The Australian.

Wallow xadiga  milixda ku jirta biyaha badda Gacanka Cadan wanaagsan tahay, roobabka aan ku badnayn Somaliland fursad wanaagsan u tahay hannaanka milixda lagu soo saarayo tamarta cadceeda, ayaa shirkadda Salternas u diyaarsan inay biyaha uumi-bxaya qabtaan, oo loo adeegsado wax-soo-saarka beeraha degaanka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply