Ganacsatada Waaweyn oo Laga Dalbaday Bixinta Cashuurta

0
452

Hargaysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka horumarinta Maaliyadda,  Maxamed Daahir Axmed, ayaa ugu baaqay ganacsatada waaweyn ee dalka  inay iska bixiyaan cashuurraha ku baaqday ee macaash-macaashka ku waajibay.

Maxamed Daahir waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay xarumaha cashuuraha barriga ee ku yaalla magaalada Hargaysa ee wasaaradda maaliyadda oo uu shalay kormeer ku tagay, waxaanu  intaas ku daray inay  aad u yar ay tahay cashuurta macaashmaashka ee laga qaado ganacsatada reer Somaliland marka loo eego ta ay qaadaan waddamada geeska Afrika.

 

“Kormeer ayaanu ku soo marnay shanta waaxood ee magaaladda Hargaysa, waxaanu ku saabsanaa kormeerkaasi dardar gelinta dakhli ururinta cashuuuraha fudud. cashuuraha macaashmacaashku marka loo eego cashuuraha waddamada inala dariska ahi qaadaan, sharcigeenuna waxa uu dhigayaa in boqolkiiba toban aynu qaadno cashuuraha macaashmacaashka, waddamada Geeska Afrika waxay qaadaan cashuuraha macaashmacaashka boqol kiiba 20% ilaa boqolkiiba 30% markaa cashuurta aynu qaadnaa waa cashuur aad u yar, waana in aan lala habsaamin, ganacsatada waawayni waa in ay iska bixiyaan cashuurta macaash-macaashka,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Maaliyaddu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply