Jiirku Ma Gudbin Karaa Xanuunka Daacuunka ?.

0
812

Khubarro u dhalatay dalkaasi Norway ayaa daraasad ay sameeyeen kaga jawaabay su’aal in badan ay culimada Saynisku is weydiiyeen oo ahayd in jiirku gudbin karo xanuunka Daacuunka iyo kaalintii uu ku lahaa dacuunkii dadka reer Yurub layn jiray waqtiyadii hore .

Khubaraddan reer Norway ayaa daraasaddan oo ay in muddo ah wadeen waxay ugu dambayn soo saareen natiijadeedii, iyaga oo sheegay in aanu Jiirku wax lug ah ku lahayn fiditaanka xanuunkaasi iyo sababtiisa intaba.

Kooxdan Saynisyahanka ah ayaa sheegay in xanuunkan oo la odhan jiray Black Death uu sabab u ahaa fiditaankiisa waxyaalo bacteria ah oo laga helo jidhka dadka, kuwaas oo si fudud u sababa inuu u faafo xanuunkani, waxaana kamid ah noolahaasi yar yar ee xanuunkaasi fidiya bacteria-da loo yaqaano  Lice iyo Fleas-ka.

Xanuunkan ayaa ilaa hadda ah midka ugu khatarsan xanuunadda dadka dila , isaga oo meelaha uu ka dilaaco si fudud ugu fida kuna laaya dad badan, waxa kale oo uu noqday xanuunka ugu dhimashada badnaan jiray waqtiyadii hore inta taariikhda lagu hayo.

Khubaraddan oo ka socotay jaamacadda Boris Schmid  oo ku taala magaalada Oslo ee caasiimadda dalkaasi Norway ayaa tijaabooyin ka qaaday jiirar kala duwan , kuwaas oo ay ku eegeen qalabka caafimaadka, sidoo kalena kusii dhex daayeen jiirar kale.

Waxa kale oo ay khubaraddani intii ay daraasaddan wadeen isticmaaleen taariikho waqtiyo hore la qoray, kuwaas oo ay taariikhyahanadu qoreen qarniyaddii 14-naad ilaa 16-naad, waxaanu xanuunkani ahaa mid si fudud ugu fidi jiray magaalooyinka Moscow  iyo London  si deg deg ah.

Leave a Reply