‘Maalgashiga Faransiisku waa Suurtagal, Haddii Loo Maro Dariiqa ku Habboon’ Danjire Cali Ismaaciil

0
395

Paris(Dawan)-  Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland  u fadhiya dalka Faransiiska,  Cali Ismaaciil Xasan,  ayaa shaaciyey  inay muuqdaan ganacsato xiisaynaya maalgashiga dalka, hadday arkaan fursadahii u saamaxayey.

 

Cali Ismaaciil oo Salaasadii lagu martiqaaday kulan sannadle ah oo Rugta Ganacsiga Faransiisku qabanqaabiso, ayaa sheegay inay joogjoog ahaayeen shirkado lagu qiyaasay shan kun, kulanka oo maalin qaatayna ka soo qeybgaleen xildhibaanno ka tirsan Goleyaasha Degaannada shirkaduhu  degan yihiin, aqoonyahanno jaamacadaha qaarkood, tiro ka mid ah safaaradaha degan Faaransiiska iyo madaxda rugta ganacsiga Faransiiska.

 

Safiir Cali Ismaaciil oo wargeyska Dawan,  tafaasiil kaga siiyey khadka Telefoonka, isagoo ku sugan Paris, ayaa sheegay in sannadkii labaad oo xidhiidh ah lagu martiqaaday kulankan, waxaanu yidhi, “Kulankan oo sannad walba la qabto, markii labaad ayaa Somaliland lagu martiqaaday, isla markaana xogo badan ayaan is-weydaarsanay madaxda shirkado badan oo joobjoog ahaa. Waxa jira shirkado muujiyey xiisahooda maalgashiga kheyraadka dalka, hadday u muuqdaan siyaasado dhiirigelinneed ”

 

Safiir Cali, ayaa sheegay inuu sharraxaad iyo xogo badan isweydaarsadeen xubno badan  macluumaad ku wajahan  fursadaha maalgashi u baahan ee yaalla Somaliland, dhinac walba, waxaanu yidhi;

“Maalgashiga Faransiisku waa suurtagal, haddii loo maro dariiqa ku habboon.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply