Waran-cadde oo ku Baaqay in Tallaabo Laga Qaado Salaadiin Bulshada Kala Qaybinaysa

0
406

Hargeysa(Dawan)- Siyaasiga Cali Maxamed Waran-cadde ayaa ciidammada ammaanka iyo Hay’adaha sharciga u soo jeediyay in tallaabo laga qaado qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland ee  warbaahinta isku mariya hadallo deelqaaf ah oo bulshada kala fogaynaya.

 

Waxaanu sidaasi ku sheegay shirjaraa’id oo shalay ku qabtay Hargeysa, waxaanu salaadiinta ugu baaqay inaanay bulshada reer Somaliland u kala abtirin.

 

“Waxaan ugu baaqaya salaadiinta iyo siyaasiyiinta reer Somaliland ee caadaystay in ay ka shaqeeyaan falal ku lid ah wadajirka ummadda Somaliland in ay ka waantooban ficilada foosha xun iyo hadalka  foosha xun ee ay hawada isu marinayaan ee ay maqashiinayaan dhegaha nadiifta ah ee ummada reer Somaliland,  iyaga oo doonaya inay wax ku yeelaan quluubtooda iyo wada jirkooda,”ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde.

 

 

Waxa kaloo uu madax-dhaqameedka ka dalbaday inaanay u adeegin cadowga Somaliland iyagoo aan is ogayn, waxaanu yidhi; “Waxaan ku boorinayaa hay’addaha sharciga iyo ciidammada amniga in sharciga la horgeeyo cid kasta oo ka waantoobi weyda ficilada iyo hadalka xun ee bulshada reer Somaliland lagu kala dilayo ee hawada la isu  marinayo. Qaar ka mida salaadiinta reer Somaliland ayaa caadaystay inay bulshada reer Somaliland kula dhex wareegaan hadallo iyo ficilo naxdin leh kuna salaysan kala fogeynta, kala qaybinta iyo kala qoqobka bulshada reer Somaliland ee walaalaha ah.

 

Bulshada reer Somaliland uma baahna suldaan u abtiriya ee waxa ay u baahan tahay suldaan isu ururiya umana baahna suldaan cadowga Somaliland u shaqeeya isaga oo aan garanaynin cidda uu u adeegayo.”

 

“Maamulka uu horjoogaha u yahay Farmaajo waxaa uu ku hawlan yahay duulaan ballaadhan oo ku wajahan qaranka Somaliland, haddii ay tahay hawadiisa oo inoo madax bannaan, iyo madax bannaani aynu caalamka ka rajeyneyno hadday tahay nabadgelyada aynu ku naalooneyno iyo dalalka aynu dariska la nahay khaas ahaan Soomaaliya, oo aynu ku wada noolayn nabadgelyo muddo dheer socotay,culeyska siyaasadeed ee kala soo darsay Farmaajo maamulka uu madaxda ka yahay haddii ay tahay maamul gobolleedyada dalkiisa oo ay aad u kala fogaadeen qaarkoodna inay farahiisaba ka baxaan ay in yar u jiraan haday tahay nabad-galyo xumada ka taagan Muqdisho gudaheeda iyo haddii ay tahay mucaarid adag oo ku bilowday ninkaas odayga ah ee maamulka Soomaaliya madaxda ka ah,” ayuu yidhi Cali Warancadde.

Mr. Warancade oo hadalkiisa sii watay wuxuu intaas raaciyey;  “Dhammaan arrimahaasi oo la soo dersay ninkaasi madaxweynaha ah sidaa darteed waxaa muuqata in uu go’aansaday in ololka haya uu kula soo galgasho xuduudaha Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeya si uu badbaado ama uu cimri dherar uga dhigto dagaalo ka dhex qarxa ummada reer Somaliland iyo dadka reer Soomaaliya ee walaalaha iyo dariskaba ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply